Riyada qof bistoola kuu wata iyo riyada tusbaxa cad

Su’aasha:

ASC gudomiye

( 1 ) waxaan xaley Ku riyooday nin pistol wata oo ii yeeraaya oo raba inuu I dhaco gadaasheydana so socda waxuna igu yiri lambarkaan miyad taqaanaa markaas Ayaan Ku iri haa qofkaas ayaa iikaaso diray ayuu igu yiri qofkana waa naag aan garanaayo kadib waxaan Ku riyooday

( 2 ) tasbiix cad ama tusbax cad ee dun gaduudan Ku samesan waxan rabay inaan gato ama qato waxaa la, igu yiri waxaa Iska leg sheikh dalxa Wadaad ka Somaliga ee guurka Ka hadla markale ayey riyada igu so laabatay hadana tusbixii cadaay oo meel darbi ah suran Ayan arkay hadana waxa la igu yiri shiiq dalxa ayaa is Ka leh.

Riyada qof bistoola kuu wata iyo riyada tusbaxa cad
Riyada qof bistoola kuu wata iyo riyada tusbaxa cad

Jawaabta:

Riyada koowaad: oo ku saabsan ninka bistoolada wata waa riyo digniin ah dhowr jeer ayay kugu soo noqnoqotay riyo tilmaamaysa dad inay jiraan oo cadow hoosaad kugu ah, marka waxaa laga wadaa iska ilaali dadka qaarkii kuu dhow oo aad u malaynayso daacad inay yihiin.

Riyada labaad: tusbaxa cad waxay tilmaamaysaa guur siiba gabar daacad ah waliba nolol fiican aad kala kulmi doontid, waa riyo bishaaro ah.

Tutubta tafsiirka riyada tusbaxa cad waxay ku fasiraan marka uu arko nin doob ah inuu guursan doono, waa riyo bishaaro ah.

Riyada inay guur ku tusinayso waxaa xoojinaya sheekha aad sheegtay oo guurka ka hadlo oo magaciisa riyada ku jira oo la leeyahay tusbaxa isagaa iska leh.

Labadan riyo waxay xoojinayaan riyooyin badan oo adiga aad aragtay,  qaabab kala duwan ayay kugu soo noqnoqonayaan riyooyinka digniinta iyo bishaarada.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More