Wiilka aabihiisa inuu naagtiisa ka furo sharciga maa u baneeyey

Su’aasha:

Asc wll waxaan ku weydiinaa wiilka aabihiisa muu furi kara gabadha uu qabo, waxaan arkay wiilal gabdhohoodii la leeyahay aaboohood baa u furaya marka tafaasiisha sharciga baneynaya in aabuhu wiilkiisa gabadha uu qabo ka furi karo.

Wiilka aabihiisa inuu naagtiisa ka furo sharciga maa u baneeyey
Wiilka aabihiisa inuu naagtiisa ka furo sharciga maa u baneeyey

Jawaabta:

Dalaaqa asal ahaan waxaa xaq u leh ninka naagta qaba, qof kale ma jiro oo xaq u leh inuu qof kale xaaskiisa furo,  xadiis ayaa jira oranaya:

(الطلاق لمن أخذ بالساق)

(Dalaaqa waxaa iska leh qofkii lugta qabtay)

Waxaa laga wadaa ninka naagta xalaasha u ahayd oo saiirta saartay lugteeda qabtay yacnii rag u noqday isaga ayaa xaq u leh inuu furo.

Laakin waxaa jira wax la dhaho wakaalo, qofka xaaska leh wakiil ayuu ka dhigan karaa qofka uu rabo aabbaha kaliya ma aha qofkii shuraadda wakaalada laga helo, wakiilka wuu furi karaa xaaska qofka wakiilka ka dhigtay.

Laakin sheekada soomaalida aabbaha oo furaya xaaska isagoo wiilkiisa aan raalli ka ahayn naagtaas ma furmayso.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More