Wiil saaxibkay oo zina ku dhacay

Su’aasha:

A S C, Wllha daruur.com wan idin salaamay kadib su’aashan qabo maanta waxa weeyan, wiil an aad saaxibo nahay o reer leh aya iga sheekayay danbiga iyo xumaha u isagu isku gayistay marka wuxu igu dhahay anigo reer leh ayan mudo badan gabdha kala duwan la zinayis’tay marka marka danbiga an galay aniga iyo ilaahay iyaba gabdhahan la zinayistay mooye cid kale o igu og majirto marka sidee hadaan sameeyo ayu ilaahay igu danbi dhaafaya ayu igu dhahay aniguna wax talo ama jawaab ah maan siinin waayo cilmiga diinta madaman aqoon dheeri ah ula hayin e wiilka saaxibkay ah talo inad siisan ayan idin wayidinaya mahad sanidin.

Wiil saaxibkay oo zina ku dhacay
Wiil saaxibkay oo zina ku dhacay

Jawaabta:

Walaal waxaad gashay dambi aad u weyn sinada waxay ka mid tahay dambiyada aadka u waaweyn, waliba marka qofka uu xaas leeyahay, diinta islaamka waxay ku xukuntay qofka xaaska leh oo sinaysto in dhagax lagu dilo, taas waxaad ka fahmaysaa meesha uu la eg yahay dambiga zinada, waxaa waajib kugu ah inaad towbad keento, maadaama Ilaahay ku fadeexaynin inaadan dad kale u sheegin dambiga aad gashay, towbad dhab ah haddaad la timaado Ilaahay waa kuu dhaafayaa dambiga, waa inaad ka shallaydo oo aad go’aansato inaadan mar kale u laabanaynin, haddaad middaas samayso Alle naxariistiisa waad helaysaa inshaa Allaah, Alle wuu ku farxaa addoonkiisa marka uu towbad keeno, marka towbad dhab ah la imow.

 

Dhibaatooyinka laga dhaxlo daawashada aflaamta xunxun (qaybtii 2aad)

 

wuxuu yiri Alle (SW):

 

(وَالَّذِينَ لَا يَدْعُونَ مَعَ اللَّهِ إِلَٰهًا آخَرَ وَلَا يَقْتُلُونَ النَّفْسَ الَّتِي حَرَّمَ اللَّهُ إِلَّا بِالْحَقِّ وَلَا يَزْنُونَ ۚ وَمَن يَفْعَلْ ذَٰلِكَ يَلْقَ أَثَامًا * يُضَاعَفْ لَهُ الْعَذَابُ يَوْمَ الْقِيَامَةِ وَيَخْلُدْ فِيهِ مُهَانًا ‎* لَّا مَن تَابَ وَآمَنَ وَعَمِلَ عَمَلًا صَالِحًا فَأُولَٰئِكَ يُبَدِّلُ اللَّهُ سَيِّئَاتِهِمْ حَسَنَاتٍ ۗ وَكَانَ اللَّهُ غَفُورًا رَّحِيمًا)

(Ee ah kuwaan Caabudayn Eebe La Jirkiisa Ilaah kale, oona dilayn baftuu Eebe xarrimay dilkeeda xaq mooyee oon zinaysanayn, ciddii saas fashana waxay la kulmi dambi * waxaana loo laab laabi cadaabka maalinta qiyaame wuuna ku waari dhexdiisa isagoo dullaysan * ciddii toobad keenta oo rumaysa oo fasha vamal fiican mooyee, oo kuwaas waxaa loogu badali xumaantooda wanaag, Eebana waa dambi dhaafe naxariista)

Allah (SW) wuxuu yiri:

(الزّانِيَةُ وَالزّاني فَاجلِدوا كُلَّ واحِدٍ مِنهُما مِائَةَ جَلدَةٍ ۖ وَلا تَأخُذكُم بِهِما رَأفَةٌ في دينِ اللَّهِ إِن كُنتُم تُؤمِنونَ بِاللَّهِ وَاليَومِ الآخِرِ ۖ وَليَشهَد عَذابَهُما طائِفَةٌ مِنَ المُؤمِنينَ)

(Zaaniyadda & Zaaniga Garaaca mid kastoo ka mid ah Boqol Garaaca oo yeyna Idiin Qabanin Xagooda Naxariis diinta Eebe dhexdeeda Haddaad Tihiin kuwa Rumeeyey Eebe iyo Maalinta Dambe (Qiyaamada) hana Joogo Garaacooda Koox ka Mid ah Mu’miniinta.)

 

الزنا مفسدته من أعظم المفاسد، وهو مناف لحفظ الأنساب، وحماية الفروج، وصيانة الحرمات، ويوقع أعظم العداوة والبغضاء بين الناس،

وهو من الجرائم التي أوجب الله تعالى الحد عقابا عليها.
وفي هذا الحديث يبين النبي صلى الله عليه وسلم أن للزنا عقوبة مقدرة، حددها الله تعالى في كتابه وعلى لسان نبيه،

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More