Waxaan ku riyoodey hooyadeey oo uur leh

Su’aasha:

Waxaan ku riyoodey Hooyadeey oo uur leh balse hada da’di haweenka ay ku dhalayeen dhaaftey riyadaasi maxaa lagu fasiri karaa.

Waxaan ku riyoodey hooyadeey oo uur leh
Waxaan ku riyoodey hooyadeey oo uur leh

Jawaabta:

Riyadan waxay tilmaamaysaa hoyaadaada inay murugo badan gudaha ka dareemayso oo aysan u sheeganaynin qof kale, riyada haweeneyda uurka leh oo dhaaftay da’da dhalmada waxaa lagu fasiraa waxa uurka ugu qorsoon oo ah rafaad iyo murugo iyo dhibaatooyin iyada haysta, marka waxay u baahan tahay in wax loo qabto.

Riyada uurka guud ahaan waa wax qofka u qarsoon oo culays ah sid iyo xamuul ku haya, marka xaaladan oo kale waxaa lagu fasiraa murug iyo dhibaato iyada u qarsoon oo aysan dad kale u sheeganin, marka waxaa laga yaabaa in adiga lagugu tusay riyo si aad u garab istaagto oo aad wax ugu qabato, waxaa laga yaabaa in deyn lagu leeyahay oo ay culeys ku hayso deyntaas.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More