Walaalkey hooyadey dhashay isagoo magaalada ila dagan ma guursan karaa anoo ogeysiin?

Su’aasha:

Walaal waxaa iiga jawaabtaa su’aashaan waxaan rabaa inaan guursado magaalada aan joogo waxaa ila dagan Hooyadey iyo wiilal ay dhashay aan aabe igu ahayn anna waxaan ahay qof garoob ah, marka saasey tahay anoonan walaalkey la socodsiin guurkeyga xarig nikaax ma qabankaraa.

Mida labaad waxaan maqlay qofta haweeneyda mar hadey carmal inay tahay inaysan wali u baahnayn xitaa aabeheed oo joogo ay guursan karto midaas ma saxbaa?

Tan kale gabadha iyadana bikrada ah nikaax ma qaban karaa iyadoo wixii hooyadeed dhaleen ay magaalka joogaan?

Mahadsanidiin.

Walaalkey hooyadey dhashay isagoo magaalada ila dagan ma guursan karaa anoo ogeysiin?
Walaalkey hooyadey dhashay isagoo magaalada ila dagan ma guursan karaa anoo ogeysiin?

Jawaabta: 

  Walaalka hooyada wali ma noqon karo sida ay qabaan culimada badankooda, gabadha waligeeda waa aabbaha waxaa ku xiga awoowaheeda kaddib wiilkeeda kaddib walaalkeeda ay isku hooyo iyo isku aabbe ay yihiin kaddib walaalka isku aabbaha ay yihiin kaddib wiilashooda kaddib adeeradeeda.

Gabadha haddii aysan wali haysanin waxaa guurinaya qof masuul ka ah muslimiinta.

Gabadha bigrada ah wali la’aan lama guurijn karo taas culimada oo dhan ayaa qaba.

Marka laga hadlo walaayada naagtii nin soo martay Abuu Xaniifa ayaa qaba inaysan wali u baahnayn laakin culimada kale waxay qabaan inay sida gabadha oo kale wali la’aan aan la guurin karin.

Laakin haddii ay ku nooshahay meel qurbo ah oo laga baqayo inay xumaan ku dhacdo oo daruuro ay keento mad’habka Abuu Xaniifa waa la qaadan karaa, wali la’aan waa la guurin karaa naagta garoobta ah.

 

 

 

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More