Shaki iyo buufis maxaa lagu xallin karaa

Su’aasha:

Shaki badan ayaa igu dhashay wax alla iyo waxan ka fikirayaa garan maayo. Maskaxdaydu way maqantay sagaashankaba markaan soo baraarogana waxaan is odhanayaa shaqade wax ba ku yaala hadaan dhameen kari waayo waan niyad jabayaa. Maxa tolow waxa sababa sideena looga hor tagi karaa? Baqdin baan yeeshay xitaa shaqada dadkana si fican ulama dhaqmayo si kalay iga daremayaan ani gayguna waan is darensanay? isku firsasha badan?

Shaki iyo buufis maxaa lagu xallin karaa
Shaki iyo buufis maxaa lagu xallin karaa

Jawaabta:

Waxa ku haya waa walwal daran wuxuu ka dhashaa marka ay arrimahaaga is dhexgalaan oo aad ku kacdo falal badan shallay kuu keeni kara.

Waxaa kugu habboon marka hore inaad magangasho Allaha ku abuuray oo aad ku dadaasho salaadda iyo quraan akhriska iyo xuska Alle guud ahaan, markaas aad nidaamiso shaqadaada iyo waqtigaaga oo aadan ku dhuminin meel beerdaro ah.

Waxaa kaloo aad samaysaa jimicsi iyo socod badan sidoo kale dadka wanaagsan la sheekayso waxyaalo wanaagsan isku mashquuli.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More