Riyada dhagaysiga muxaadarada iyo furayaal iyo nin isoo bursanayo

Su’aasha:

Asc bahda daruuro wll waxan ku riyooday anoo masaajid muxaadaro ka dhagaysanaya oo aad aan u badanahay markii ay muxaadaradu dhamaatay waxa la galay salaad markaa ani waxaan lahaa daahir ma ihi oo macduur baan ahay markaa gabar aan aqaano ayaa igu tiri salaadan tukano waxaana kulahaa ani macduur baan ahaye muxadarada lee u imaaday markaa wàn so tagay jid bana soo qaaday gabar yar ilaa 10 jir ayàna igu tiri ii qaba furayaal isku xidhxidhan iyo cidiyo jar waan u qabaty wayna igu ilowday wana wayay gabadhii markii danbe waxa i bursaday in wata baynaadiyo ulo waxaana aqristay ayada baqro u danbaysa gurina wàn galay waxba imayeelin.

Riyada dhagaysiga muxaadarada iyo furayaal iyo nin isoo bursanayo
Riyada dhagaysiga muxaadarada iyo furayaal iyo nin isoo bursanayo

Jawaabta:

Riyadan fasiraad weyn ayay wadataa, macaani badan ayay ka kooban tahay.
Riyada waxay tilmaamaysaa qaladaadka inaad ka dheeraan doonto iyo dadka xunxun.
Oo aad ka towbad keeni doonto dambiyada sidoo kale inaad ka gudbi doonto murugada iyo walwalka ku haysta.
Waxaa kaloo riyada laga fahmayaa dad inay jiraan idin xasdaya adiga iyo ninkaaga waliba laga yaabo inay sixir iyo balaayo idin sameyn rabaan.
Marka ku dadaal quraanka iyo weysada iyo dahaarada iyo salaadda.

Waxaa kaloo lagaaga digayaa in qof kuu dhiibo wax aadan ogeyn wuxuu yahay waxaa laga yaabaa inuu sixir yahay iska jir dadka cadowga ah ama aad ka shakisan tahay.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More