Riyada xaaska oo iga ordeysa iyo masas aan arkayo

Su’aasha:

Waxan ku riyooday anigoo masas badan arkaya qaarna wan ka baqayay, guryaha an jaarka nahay ayuu u dhawaa, wanan dilayay lkn uu iga baxsaday, markii danbena waxan ku riyooday xaaskayga oo iga ordaysa oon ku leeyahay ila joog, suudhki an laha ayan nin u dhiibay markasan xaaska ku idhi suudhka laynaga soo raacay ee raali noqo lkn way iga ordaysay ii fasila fadlan.

Riyada xaaska oo iga ordeysa iyo masas aan arkayo
Riyada xaaska oo iga ordeysa iyo masas aan arkayo

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa adiga iyo xaaska in dood iyo dagaal idin dhexmari doonaan, taasna waxaa sabab u noqonaya dad cadow idinku ah, maska ayaana tilmaamaya, maxaayeelay maska waxaa lagu fasiraa cadow halis ah, marka taxdar ka qab gurigaaga yaan lagaa duminin.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More