Riyada waxar yar oo ila hadlay bi’idnillaah

Su’aasha:

ASC ALLAH MAHADLEH
WAAD MAHADSAN TIHIIN ALLAH MACAK

RUTII SH WAA RIYO AAN LA YAABAY

WAXAAN KU RIYOODAY ANOO DHEXJOOGA XOOLO DHALAY ,
WAXAA AGTAYDA JOOGTAY RI DHASHAY WAXAR KII AY DHASHAY OO ISLE JAQ OO KU SII SOCDA AYUUN BAA WAXAA RIDII HOOSTA KA GALAY NAYL YAR OO LAXI DHASHAY ,
WAXARKII YARAA AYUUNBAA ISTAAGAY OO IGU YIDHI WAAKA IGA CABAY,
WAANKA QABTAY INTAN KACAY,
WAXARKII YARAA OO WALI HALKII TAAGAN BAA HADAN IGU YIDHI WAA KA IGA CABAY ,MARKAASAN KU IDHI WAAN KA QABTEE ORADOO JAQ
WAXUU IIGU JAWAABAY WUU IGA CABAY WAABU DHAQAAQI WAAYAY
ALLAH MAHADLEH.

Riyada waxar yar oo ila hadlay bi'idnillaah
Riyada waxar yar oo ila hadlay bi’idnillaah

Jawaabta:

Riyada waxay ku tusaysaa in noloshaada si yaab leh isu badali doonto oo aad gali doonto barwaaqo aan la arag sida mucjisada oo kale culimada fasirta riyada waxay sheegeen qofkii arko xoolo asoo la hadlaya gaar ahaan idaha inuu la kulmi doono barwaaqo lala yaabo oo mucjiso ah riyada waa riyo aad u wanaagsan.

Waa isku mid haddii adiga aad la hadasho ama iyaga kula hadlaan xoolaha guud ahaan waa sida aan kuu soo shegay.

 

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More