Al shabaab sidey sheegaan Alle dartiis ayay u dagaalamaan sow caqiido mala dhihi karo jihaadkooda

Al shabaab sidey sheegaan Alle dartiis ayay u dagaalamaan sow caqiido mala dhihi karo jihaadkooda

Su’aasha:

Al shabaab waxay sheegaan inay u dagaalamaan caqiidada ah sareynta Ilaahey waliba sumada calankooda waxaa ku qoran shahaadada Ilaahey iyo qiritaankeeda marwalbana ay weerar tagayaaan waxay ku dhawaaqaan kalmada Allaahu akbar maadaama habka dagaalkooda caqiido ku suganyahay sow lama dhihi karo waxay ku taaganyihiin jidkii saxda ahaa iyadoo la raacayo xadiiska suubaneheena ee ah.

يُقَاتِلُ لِلْمَغْنَمِ، وَالرَّجُلُ يُقَاتِلُ لِلذِّكْرِ، وَالرَّجُلُ يُقَاتِلُ لِيُرَى مَكَانُهُ، فَمَنْ فِي سَبِيلِ اللهِ؟ قَالَ: مَنْ قَاتَلَ لِتَكُونَ كَلِمَةُ اللهِ هِيَ الْعُلْيَا فَهُوَ فِي سَبِيلِ اللهِ“

“Nin wuxuu u dagaallamaa qaniimo, ninna wuxuu u dagaallamaa in la sheego, ninna wuxuu u dagaallamaa si loo arko darajadiisa yaa ku sugan waddada Alle? Wuxuu yiri: qofka u dagaallamo si ay u noqoto kalmadda Alle midda ugu sarreysa isagaa ku sugan jidka Alle“

Hadaba waxa hada Soomaaliya ka jira jihaad xaq ah sowma ahan wll

Al shabaab sidey sheegaan Alle dartiis ayay u dagaalamaan sow caqiido mala dhihi karo jihaadkooda
Al shabaab sidey sheegaan Alle dartiis ayay u dagaalamaan sow caqiido mala dhihi karo jihaadkooda

Jawaabta:

Jihaadka shuruudo ayuu leeyahay, qof dad muslin dilayo falkiisa jihaad lama dhihi karo, xataa haddii caqiido ay ka tahay waa caqiido qaldan oo khilaafsan shuruudaha jihaadka Islaamka u dejiyay.

Saan kuu sheegay labada qolo gaalada ayaa ku shaqaysanayso, qofkii ku dhinto asoo dagaalkaas ku jiro halis buu ku jiraa, marka haddii aad tahay qof dhalinyar ah iska ilaali inaad lugaha la gasho, labada dhinacba cid kale ayay u shaqaynayaan, waa fidno aad u weyn.

Dunida Jihaad Maka Jiraa

Waliba arrin kale ayaa jirto dowladaha khaliijka ayaa maalgalinaya kooxda alshabaab, dowladahaas dan weyn ayaa ugu jirto in soomaali sidaas ay ahaato, waayo haddii soomaali ay toosto waxay noqonaysaa dowlad xoog badan oo batrool leh oo bad ballaaran leh, Imaaraadka iyo Qatar way dhibaysaa arrintaas, marka sidaa awgeed dan weyn ayaa ugu jirto inay maalgaliyaan labada dhinacba si dagaalka uu usii dheeraado.

Diinta islaamka jihaad way qabtaa laakin shuruudo ayuu leeyahay oo diinta ku cad, culimada diinta si fiican u bartay way og yihiin dhabta laakin qof kaste naftiisa ayuu u baqaa, kii dowlada ka baqo iyo kii shabaab ka baqaba. Axaadiis ayaa kusoo aroortay oo tilmaantay halis inay tahay labo muslin inay si dilaan, wuxuu yiri Rasuulka (SCW):

(إذَا التَقَى المُسْلِمَانِ بسَيْفَيْهِما فَالقَاتِلُ والمَقْتُولُ في النَّارِ، فَقُلتُ: يا رَسولَ اللَّهِ، هذا القَاتِلُ فَما بَالُ المَقْتُولِ؟ قالَ: إنَّه كانَ حَرِيصًا علَى قَتْلِ صَاحِبِهِ).

(Hadday labo qof muslin ah ku kulmaan seefahooda kan wax dilay iyo kan la dilayba naarta ayay ku sugan yihiin, waxaan iri: rasuulkii Allow dilaha la gartay maxaa ku dhacay kii la dilay, wuxuu yiri: inuu saaxiibkii dilo ayuu ku dadaalayay)

Bukhaari ayaa wariyay

(إذا أشار المسلِمُ على أخِيه المسلِمِ بالسِّلاحِ ، فهما على جُرُفِ جهنَّمَ ، فإذا قتَلَه خرَّا جميعًا فيها)

(Muslinka hadduu walaalkiisa msulinka hub ku taago labadoodaba jahannamo ayay qarka u saaran yihiin, hadduu dilo way ku wada dhacayaan)

Waxaa wariyaya Annasaa’i

Al shabaab Alle darii may u dagaalamayaan
Al shabaab Alle darii may u dagaalamayaan

Al shabaab in lala dagaalamo xaq miyaa

Dunida jihaad Maka jiraa

Al shabaab ficiladey sameeyaan diinta u ogolaatay mala dhihi karaa?

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More