Riyada nabi MUXAMMED (NNKH) IYO ASXAABTII

Su’aasha:

ASC WAAD MAHADSANTIHIIN ALLAH MACAK
WAXAAN KU RIYOODAY NABIGEENA MUXAMMED (NNKH) IYO ASXAABTII OO GURIGAYA HOOL DAYRKA KU YAALA FADHIYA MARKII LA II SHEEGAY AYAAN SHEEDA KA EEGAY OO ASXAABTUNA WAY FADHIYEEN NABIGUNA WUU TAAGNAA OO MAXADARO AYUU U JEEDINAYAY HADALKA WAAN MAQLAYAY SI FIICAN LKN WAJIYADOODA UMA ARKAY OO CUMAAMADO AYAY MADAXA KU XIDHNAYEEN CADCAD LKN SI FIICAN AYAAN U GARANAYAY IN AY AHAAYEEN NABI ( SCW) IYO ASXAABTII CUMAR IYO ABUBAKAR AYAA KU JIRAY
ALLAH MAHADLE.

Riyada nabi MUXAMMED (NNKH) IYO ASXAABTII
Riyada nabi MUXAMMED (NNKH) IYO ASXAABTII

Jawaabta:

Riyada nabi Muxamed (SCW) waa riyo xaq ah qofkii arkana waa qof nasiib weyn leh, inshaa Allaah qofkaas si dhab ayuu ugu arki doonaa aakhiro, jannada ayuu kula kulmi doonaan, taasna nabiga ayaa sheegay sida xadiiska saxiixa uu tlmaamay. Riyada waa khayr weyn oo Ilaahay ku siiyay waxay tilmaamaysaa inaad tahay qof fiican Ilaahay hakuu siyaado wanaagga waa bishaaro aan la heli karin.

Sidoo kale riyada asxaabta nabiga (SCW) waxay tilmaamaysaa qofka inuu yahay qof iimaan fiican leh oo caqiido suuban aaminsan.

Guud ahaan waa riyo aad u wanaagsan oo aan qof kaste arki karin dadka Ilaahay jecel yahay mooyee.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More