Riyada ilkaha daadanaya iyo qaawanaanta

Su’aasha:

Asc waa idiin salaamay bahweynta Daruur, sidaad u dhantihiin, waxaan xaley ku riyooday salaadii subxaad ka hor, iyadoo la ileeyahay Ilkaha weykaa daadanayaan, hadana aan miraayad intaan isku fiiriyay sii dhoola cadeynaayo markasa la idhahay wax yar ka dib weykaa hoobanayaan isla sideydii baan ahaa ilkahana waxba iigama dhicin waan soo kacay waxaana isoo kiciyay Alarmka saacada oo moobeel niicle iigu xirnaa waaba salaadii subax waan toosay xaajo weyso qaad iyo salaadii markaan tukuaday ka dib baan hurdada ku noqsaday markaas baan waxaan riyo ku arkay wiil aan saaxibo eheen oo xarun warbaahined iskala shaqeyn jirnay koley ma xasuusto waxa riyada dhexdeeda na dhexmaray lkn meel baan isla tagnay markaasaan is arkay anoo wax dhar ah wadan oo qaawan markaasaan wiilkii mid walaalkiisa ah oo ka yar baan leeyahay walaalkaa iiga soo qabo dhar aan xirto markaasaan is arkay iyadoo guskeyga yariis yahay hadana saasey tahay wixii intaas ka dambeyey ma xasuusan. riyooyinkaas oo kale iyo mid walba fasirkeeda ayaan idiinkaga baahanahay Mahadsanidiin

Riyada ilkaha daadanaya iyo qaawanaanta
Riyada ilkaha daadanaya iyo qaawanaanta

Jawaabta:

Riyada koowaad waxay tilmaamaysaa in dhaleeco wax kaasoo gaari doonto waayo ilkaha inta badan waxaa lagu fasiraa qaraabada, ,marka dhicitaanka ilkahana ma ficna marka riyo lagu arko adigana ma kaa dhici sidaad sheegtay laakin riyada waxay tilmaamaysaa arrin sumcaddaada la xiriirta inay kugu soo socoto.

Riyada labaad ayaa arrintaas xoojinaysa qofka markuu isku arko meel dad joogaan asoo ku qaawan waxay tilmaamaysaa riyada ceeb iyo fadeexo.

Marka ika jir hadday jiraan dad wax kugu samayn karo oo sumcaddaada wax ka dhimi karo.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More