Riyada diiqa iyo digaag ukun dhalayso

Su’aasha:

Wll waxan ku riyooday anoo meel xaafada hooyaday u dhow xili habeeyna ka helay digag dhala ah mid ayaan helay markii hore wana qabtay waana qaatay waxaana islahaa armuu hadan katago bahal cunaa markaan qaatayna waxab islahaa armuu booli yahay oo dadkii lahaa kas meesha u dhegeen wan qatay markaan in yar socday waxaan arkay 2 digaaga oo dhala ah iyana oo meelkale fadhiya in aan qabto damcay wayna iga carareen wana ka tagay markii danbe hadana arkay diiq iyo digaagad god dawaco ku jira digaagadu ukum dhalayso diiquna ilaalinayo maan kuleexane waan iskaga tagay xaga guriga hooyaday unbaan u sii watay wll ii fasir.

Riyada diiqa iyo digaag ukun dhalayso
Riyada diiqa iyo digaag ukun dhalayso

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa hanti booli ah ama maal khiyaano ku jirto, sidoo kale dad dhagar badan, astaanta diiqa iyo dawacada ayaa sidaas ah, marka xaaladda riyada guud ahaan waa xoolo iyo hanti oo qaab xalaal lagu keenin inay gacantaada soo galayaan, taasna ay keenayso shaki iyo fikir.

Waxaa kaloo lagu fasiri karaa dumar xunxun oo rag la xiriiraya oo wax si qarsoodi ku samaynaya. guud ahaan riyada waa digniin lagaaga digayo arrimahaas.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More