Riyada anoo fuulay geed dheer

Su’aasha:

Asc ilaahay ha idin ilaaliyo marwalba
1 waxaan ku riyooday Aniga oo lajooga rag badan waxanay ka cabanayeen xanuuno mid ka mida ayaa igu yidhi waxaa I xanuunaya cunaha waxan raba inla iqalo ana waxan ku idhi mafiicna qaliinka cunuhu ee haku dagdagin Hala ogaado waxa Keenaya xanuunka
Kabacdi ayuu waxuu isiiyay laba warqadood oo lacag oo mid yahay 5000 oo riyaal guud ahaan 10,000 oo riyaal
Waxaanu igu yidhi daawo iisoo samee ana lacagtii waan qaatay wiil ilasocdaan 5000 siiyay kabacdi anoo socda ayaa waxaa naga hortimid gabadh yar oo qoslaysa Wayna raacday waxaan fuulay geed dheer oon dawada kasoo gurayay lkn dadbadan baa nagu soo ururay meeshiina buuq ayay noqotay
Allah mahadle.

Riyada anoo fuulay geed dheer
Riyada anoo fuulay geed dheer

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa dadka kalsoonida ay ku siiin doonaan mustaqbalka, qofka xanuunsan oo lacag kuu dhiibay si aad daawo ugu keento waa kalsooni weyn, marka fuulidda geedkana waa sarrayn aad heli doonto, riyada waxay tilmaamaysaa mustaqbalka qiimaha leh aad yeelan doonto iyo kalsoonida ay dadka ku siin doonaan, daawadana waa waxa aad bulshada u qaban doonto.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More