Lamaanaha is qaba ee kalsoonidu ka jabtay siday kusoo ceshan karan kalsoonidoda

Su’aasha:

A S C, Su’aashan qabo waxa weeyan aniga iyo xaaskayigu wxn is qabna mudo 9 sano kudhawaad marka mudo 1 sano kahor ayan is ogaanay inan labadenuba is khiyaami jir’nay yac’ni aniguna an ogaaday iyadu inay niman kale xirir la lahayd iyo iyaduna ay i ogaatay inan anigu gabadho kale xirir la lahaa lkn labadenuba khaladki an kujirnay wan iska raali galinay marka aniga ahaan mudada sanadka ah khalakan kujiray wan ka baxay iyaduna inkaston 100% hubin inay khaladki kasoo laamatay lkn waxan ka arkay calaamado in ay khaladki ka baxday tilmaamayisa marka aniga iyo xaaskayiga dhibta ugu wayin e imika ina hayisata waxa weeyan shaki iyo kalsooni daro ina dhax yaala weeyan marka sidee ban kalsoonideni kuso ceshan karna talo inaga siiya mahad sanid.

Lamaanaha is qaba ee kalsoonidu ka jabtay siday kusoo ceshan karan kalsoonidoda
Lamaanaha is qaba ee kalsoonidu ka jabtay siday kusoo ceshan karan kalsoonidoda

Jawaabta:

Labo oo is qabta oo khayaano wada sameynaya wax yar ma aha, kalsoonidiina waxaa ka muhimsan marka hore towbad dhab ah inaad la timaadaan, maxaayeelay labadiinaba dambi ayaad ka gasheen Allaha idin abuuray, kalsoonidiina waxay kusoo noqon kartaa towbad sax ah, maxaayeelay qofka marka uu towbad keeno oo ay dhab ka tahay wuxuu dareemayaa qabow iyo deganaan, waxaan idin kula talin lahaa inaad u wada towbad keentaan Alle oo aydan mar kale u laabanin qaladkaas, taas wax ka fiican ma jirto, Ilaahay khayr ha idin waafajiyo.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More