Ninka hadduu naagta sedex ku furo ciddada maku soo ceshan karaa

Su’aasha:

Ninka haduu naagta furo asoo sedex jeer ku furay oo melo kala duwan ku furay iyadoo cidadeeda aan dhamaanin masoo ceshan karaa mise masoo cesha karo hadii uusan soo ceshan karin nikaax cusub inu sameeyo miyaa meher cusub inuu dhiibo fadlan isoo fahfahiya jazakumalullaahu khayran.

Ninka hadduu naagta sedex ku furo ciddada maku soo ceshan karaa
Ninka hadduu naagta sedex ku furo ciddada maku soo ceshan karaa

Jawaabta:

Qofka ma aha inuu dalaaqa ku degdego waayo dhalaaqa ma fududa, aayadaha dalaaqa ka hadlaya aad bay u tilmaamaan Alle ka cabsiga, qofka naagtiisa hadduu sedex ku furo oona ay tahay qaabka aad soo sheegtay ma soo ceshan karo naagtaas xalaal uma noqonayso ilaa uu nin kale soo guursado ninkaas marka uu guursado kadib uusoo furo oo ciddada ay u dhamaato markaas ayuu guursan karaa.

Lama oggola nin inuu la heshiiyo oo uu ku dhaho naagtayda ii xalaaleey hadduu sidaas sameeyo ninkaaxaas ma ansaxayo, xadiiska rasuulka (SCW) wuxuu ku tilmaamay ninkaas inuu la mid yahay orgi lasoo caariyaystay.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More