Fisqiga xamar lagu faafinayo yaa ka dambeeyo

Su’aasha:

scw webka daruur aad bad u mahadsan tihiin, dhalinyarada somaali siba kuwa muqdisho ku nool waxaa kusoo batay arrimo yaab badan waxay ku waasheen filimada wasmada sidoo kale inay akhriyaan sheekooyinka wasmada wiilashada qarkoda khadka ayay ka baxeen waxay shukaansadaan gabdho iyagoo wax kaste ku sameynaya, waliba qaar waxay ka helaan inay barha bulshada ku faafiyaan waxyaalaha iga ay sameeyaan ee xumaanta ah, sheekada kacsiga badan iyagoo raadinaya inay qoran, qoraal badan ayay faafiyaan arimahan markaan u kuurgalay 2020 aad ayay usoo bateen marka loo fiiriyo 2019 markaan sii dabada galay dadkaas family ama qaarabo ayay ka fog yihiin waa iskaabuli badankooda gabdhahana waa gabdho ka fog dadkooda qaar qurbo ayay joogaan, qaarkooda qaraabada ayay sheeko kasoo qoraan dumaashi iyo habaryar, marka maxaa la dhihi karaa arimahan waxa soo badiyay hadan taasna waxay keenay gabdhihii inay baraha bulshada sawiro kulul soo dhigaan iyagoo aan ka baqaynin fadeexo, waxaa kaloo aan maqlay nin oranaya sirkoonka nisa waxay adeegsadaan gabdho taas iydana ma laha dhihi karaa waxaan dad waaweyn ayaa ka dambeeya oo bulshada soomaaliyeed haleyn raba, sheeko xumaan ah intee la eg bay saameyn kartaa dhalinyarada, waso wareernay saaxibyaal dad badan ayaa inay raadinayaan sheeko macaan ayay sidaas u qaldamayan iga rali ahaada hadalka ayan idinku dheereeyay

Fisqiga xamar lagu faafinayo yaa ka dambeeyo
Fisqiga xamar lagu faafinayo yaa ka dambeeyo

Jawaabta:

Bulshada marka jahli ay ku dhacdo wax walba ka filo, soomaali waxa lagsoo sheegayo ma yara , su’aalaha layna soo weydiiyo ayaa laga garanayaa, waxaa kaloo xoojinaya taas dhaqanka xun laga keenay dibadda, dad badan ayaa jira oo qorshahaas faafinaya, waliba waxay ku jiraan baarlamaanka iyo siyaasadda, qandaraas baa lagu soo qaatay in dhalinyarada laga fasahaadiyo akhlaaqda iyo nolosha, xeebta liido waxa ka jira ayaana daliil u ah, waxaa la sheegayaa gabdho badan in hoteelada lagusoo fara xumeeyo, hoteelada badankooda way la socdaan lacag bayna ka helaan iyagoon fiirinin xumaanta meesha ka jirta, familka iyagana ma koontarooli karaan ilmahooda, teeda kale sheekada galmada maanta la faafinayo oo dhalinyarada ay kusoo qorayaan baraha bulshada in la akhriyo qofka dhib weyn ayay ku ridaysaa dareenkiisa ayaa kaco xumaanta ayay sahal uga dhigtaa, qofka sheekooyinkaas akhriya maskaxdiisa jinsi kama baxo tashwiish ayaa ku furmaya, waliba waxay keeni karaan qofka inuu ka sinaysto qaraabadiisa ama family ama ehel, marka taas waxaa lagu joojin karaa in laga wacyigaliyo dhalinyarada dugsiyada macalimiinta iyo waalidka. Teeda kale hadalka aad tiri sirdoonka soomaaliya nisa inay gabdho u adeegsato nimanka siyaasiyiin taas waan maqlay waan arkay nin ka hadlaya laakin waxay u baahan tahay in la baaro.

Diinta islaamka digniin culus ayay u jeedisay kuwa fisqiga ku dhex faafiya umadda islaamka, waana cadaab daran, wuxuu yiri Alle (SW):

 

(إِنَّ الَّذِينَ يُحِبُّونَ أَن تَشِيعَ الْفَاحِشَةُ فِي الَّذِينَ آمَنُوا لَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ فِي الدُّنْيَا وَالْآخِرَةِ ۚ وَاللَّهُ يَعْلَمُ وَأَنتُمْ لَا تَعْلَمُونَ)

(Kuwa Jecel inay ku Faafto Xumaantu Kuwa Rumeeyey (Xaqa) waxaa u Sugnaaday Cadaab daran Adduuniyo Aakhiraba, Eebena waa Og yahay idinkuna ma Ogidiin)

Muuqaalka waa kan oo ninka sheegaya arrintaas:

 

Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More