Fasirka riyada tusbaxa waa maxay

Su’aasha:

Aac walalo.

Waxan riyo ku arkay anoo tusbaxii iga go’aya marka ay noqon karta riiyadas fasiirkeeda.

F.G waxan maalin walbo sameya tasbiix aad u badan habeen iyo maalin ayan tasbiixsada lakiin niyada waxaaa iga taagan tusbaxa wata ayaa meel ka go’i raba waxana ka walwala in uu iga go’a mar walbo niyadeeda kama baxa.

Fasirka riyada tusbaxa waa maxay
Fasirka riyada tusbaxa waa maxay

Jawaabta:

Riyada tusbaxa guud ahaan waxay tilmaamaysaa ruuxa inuu rabbigiisa ku xiran yahay oo jid fiican u hayo, illeen iyadaa lagu tasbiixsadaayee, go’itaankeeda wuxuu tusaa qofka inuu ka gaabinayo cibaadada ama inuu galayo qaladaad.

Laakin riyadaada fasir ma laha waayo waa riyo naftaada ay ku sheekaysanaysay oo tusbaxaada ayaaba go’i rabay dhab ahaantii marka taas waxay astaan u tahay inaysan fasiraad lahayn.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More