Cunug laba jir ah subaga idaha mala siin karaa

Su’aasha:

Cunaga haduu xasaasi qabo oona jira labo sano mala siin karaa subaga idhaha sideena lo siyaane.

Cunug laba jir ah subaga idaha mala siin karaa
Cunug laba jir ah subaga idaha mala siin karaa

Jawaabta:

Ilma da’daas ah haka badinin subag ide ama baruurta idaha maxaayeelay baruurta idaha way culus tahay ilmo labo sano jira dheefshiidkiisa si xoog uma xamili karo inkastoo aysan dhib u keenin inta badan laakin waxaa habboon in la siiyo cuntooyinka fudud oo aan lahayn dufin badan.

Waxaa jira baruur ide oo ah cadiinta la dhalaaliy ooo subag laga dhigo ama jifi,  iyo caanaha idaha oo subag lagsoo saaro labadaas aad bay u kala duwan yihiin cadiinta ayaa ka xoog badan subagga caanaha idaha lagsoo saaro, labadana dufan ayay wataan.

Subagga caanaha idaha ilmaha yar way xamili karaan marka wax yar afka loo mariyo wax buu u taraa mararka qaar haddii wax yar afka loo mariyo oo aan badnayn.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More