Cuntada qaar haddaan naco islaweyni iyo kibir miyaa

Su’aasha:

Akhii fillaah su aashaydu waxa weeyaan qofku hadii uu cuntooyinka qaar aanu cunin oo uu dhaho majcecli ama dookhayga maaha oo hadii guriga lagu sameeyo cuntooyinkaas aanu cunin amaba uu banaanka cunto ka doonto arrintaasi kibir miyay noqonaysaa?

Cuntada qaar haddaan naco islaweyni iyo kibir miyaa
Cuntada qaar haddaan naco islaweyni iyo kibir miyaa

Jawaabta:

Qofka cuntadii xalaal ah wuu cuni karaa wuuna iska dhaafi karaa, cunto gaar ah kugu waajibayso ma jirto, cunto gaar waa jeclaan kartaa tu kalana waad nici kartaa, taasna dhib ma laha waxay u noqonaysaa naftaada iyo dabeecaddaada.

Nabiga (SCW) agtiisa waxaa lagu cunay manso-lugaley laakin isaga wuu iska diiday xadiiskana waa kan waa saxiix:

 

(أُتِيَ النبيُّ صَلَّى اللهُ عليه وسلَّمَ بضَبٍّ مَشْوِيٍّ، فأهْوَى إلَيْهِ لِيَأْكُلَ، فقِيلَ له: إنَّه ضَبٌّ، فأمْسَكَ يَدَهُ، فَقالَ خَالِدٌ: أحَرَامٌ هُوَ؟ قالَ: لَا، ولَكِنَّهُ لا يَكونُ بأَرْضِ قَوْمِي، فأجِدُنِي أعَافُهُ)

 

(waxaa loo keenay nabiga (SCW) manso-lugaley shiilan gacantuu u taagay si uu u cuno, waxaa lagu yiri: waa mansolugaley, markaas gacantiisuu celiyay, wuxuu yiri: Khaalid: xaaraan miyaa, wuxuu yiri: maya, laakin kuma sugna dhulka qoomkayga waxaan isu arkaa inaan ash’ashaayo)

Marka qofka cunto gaar ah wuu karaahsan karaa isagoo aysan ka ahayn islaweyni iyo kibir, kibirka iyo islaweynida niyadda niyadda ayay ku xiran yihiin, hadduu ka wado isla weyni fal xaaraan ayuu ku dhacayaa.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More