Masiixu dajaal soo bixitaankiisa maxaa lagu garan karaa?

Su’aasha:

Waaku salaamay sxbkey inkastoo aan magacaaga aqoon hadana aad baan kaaga mahad celinayaa jawaabaha aad iga siiso su’aalahayga saasey tahay saakey baan rabay inaan su’aal kusoo weydiiyo waxaa la idhahay su’aalo aan laga jawaabin ayaa jiree dib ugu soo laabo marka waxaan ku weydiinaa soo bixitaanka Masiixu dajaal iyo soo bixitaanka Mahdiga yaa soo horeeyo? Tankale dajaal soo bixidiisa calaamad muujineysa miyaa jirta oo lagu aqoonsan karo? Xageese ayuu joogaa maanta? Sideense kaga badbaadi karnaa fitankiisa?

Masiixu dajaal soo bixitaankiisa maxaa lagu garan karaa?
Masiixu dajaal soo bixitaankiisa maxaa lagu garan karaa?

Jawaabta:

Inshaa Allaah waan isbaran doonnaa, waan ogahay inaad ka mid tahay dadka Daruur si xoog ugu xiran.

Mararka qaarkooda su’aalo badan ayaa soo galaya webka marka sidaas ayaad u aragtay qoraalkaas.

Midda kale mahdiga waa nin saalix ah oo umadda nabi Muxamed (SCW) ka mid ah waliba ehelu baydkiisa ah, wuxuu ka horreeyaa soo bixidda Masiixu Dajaal iyo soo degidda Nabi Ciise (CS).
Dajaal soo bixitaankiisa waxaa ka horreynaya fidno weyn oo hadda aan ku jirno sidoo kale awoodda Yahuudda kor markay noqto fasahaadkoodan inuu bato, sidoo kale calaamadaha qiyaamaha yaryar oo dhan inay soo baxaan.
Marka laga hadlo Dajaal ma joogaa hadda mise maya?

Sida xadiis saxiix Muslim ku qoran wuxuu sheegayaa Dajaal inuu ku xiran yahay jaziirad badda ku dhex taalo, marka la gaaro waqtgiisa ayuu soo baxayaa.
Nabiga (SCW) ayaa noo sheegay sida looga badbaado wuxuu yiri:

(مَن حَفِظَ عَشْرَ آياتٍ مِن أوَّلِ سُورَةِ الكَهْفِ عُصِمَ مِنَ الدَّجَّالِ).

 

(Qofkii xifdiyo toban aayad ee bilowga suuratu Alkahf ka mid ah Dajaal ayaa laga ilaalinayaa)

Muslim ayaa wariyay

Waxaa kaloo la rabaa salaad kaste inuu qofka akhristo ducada Dajaal Alle lagaga managalo wuxuu yiri rasuulka (SCW):

(إِذَا تَشَهَّدَ أَحَدُكُمْ فَلْيَسْتَعِذْ باللَّهِ مِن أَرْبَعٍ يقولُ: اللَّهُمَّ إنِّي أَعُوذُ بِكَ مِن عَذَابِ جَهَنَّمَ، وَمِنْ عَذَابِ القَبْرِ، وَمِنْ فِتْنَةِ المَحْيَا وَالْمَمَاتِ، وَمِنْ شَرِّ فِتْنَةِ المَسِيحِ الدَّجَّالِ).

(Midkiina markuu tashahudka akhrinayo haka magangalo Alle afar waxyaabood wuxuu dhahayaa: Allow waxaan kaa magangalayaa cadaabka Jahannamo iyo cadaabka qabriga iyo fidnada nolosha iyo midda geerida iyo sharta fidnada Maxaiis Dajaal)

Msulim ayaa wariyay

 

Halkan ka daawo xadiiska sheegay Masiixu dajaal inuu badda ku xiran yahay

 

Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More