Xadiiska injirta Sheekh Umal iyo Suufiyada yaa ku saxan

Su’aasha:

Axaadiista injirta fasirkooda waa sidee ma sh umal Ayaa ku saxan Mise suufida?

Xadiiska injirta Sheekh Umal iyo Suufiyada yaa ku saxan
Xadiiska injirta Sheekh Umal iyo Suufiyada yaa ku saxan

Jawaabta:

Xadiis ayaa soo arooray oo tilmaamaya nabiga (SCW) madixiisa in ay xaaskiisa u fiirfiirin jirtay waxaa la mid ah axaadiis kale iyaga isla macnahaas wata waxaa ka mid ah xadiiskan:

(عَنْ زَيْنَبَ أَنَّهَا كَانَتْ تَفْلِى رَأْسَ رَسُولِ اللَّهِ -صلى الله عليه وسلم- وَعِنْدَهُ امْرَأَةُ عُثْمَانَ بْنِ عَفَّانَ وَنِسَاءٌ مِنَ الْمُهَاجِرَاتِ وَهُنَّ يَشْتَكِينَ مَنَازِلَهُنَّ أَنَّهَا تَضِيقُ عَلَيْهِنَّ وَيُخْرَجْنَ مِنْهَا فَأَمَرَ رَسُولُ اللَّهِ -صلى الله عليه وسلم- أَنْ تُوَرَّثَ دُورَ الْمُهَاجِرِينَ النِّسَاءُ فَمَاتَ عَبْدُ اللَّهِ بْنُ مَسْعُودٍ فَوَرِثَتْهُ امْرَأَتُهُ دَارًا بِالْمَدِينَةِ).

(waxaa laga wariyay Saynab (RC) inay u fiirfiirin jirtay rasuulka (SCW) madixiisa waxaana ag joogtay haweeneyda Cusmaan bin Cafaan iyo haween ka tirsan muhaajiriinta oo ka sheeganaya guryahooda inay ciriiri ku noqdeen oo laga saarayo wuxuu amray rasuulkii Alle in la dhaxalsiiyo guryaha muhaajiriinta naagahooda Cabdulaahi bin Mascuud (RC) ayaa dhintay xaaskiisa ayaa ka dhaxashay guri Madiina ku yaallay)

Xadiiskan iyo kuwa la midka ah waxay tilmaameen nabiga (SCW) madaxiisa in wax laga fiirfiirinayay taas ma keenayso injir inay ku jirtay madaxiisa, waxay noqon kartaa nadaafad guud wixii qashin kusoo daatay iwm. xadiiska injir lagum sheegin, waxaa jira xadiis kale oo ah kan soo socda:

 

(فعَنْ أَبِي سَعِيدٍ الْخُدْرِيِّ قَالَ: وَضَعَ رَجُلٌ يَدَهُ عَلَى النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فَقَالَ وَاللَّهِ مَا أُطِيقُ أَنْ أَضَعَ يَدِي عَلَيْكَ مِنْ شِدَّةِ حُمَّاكَ فَقَالَ النَّبِيُّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: إِنَّا مَعْشَرَ الْأَنْبِيَاءِ يُضَاعَفُ لَنَا الْبَلَاءُ كَمَا يُضَاعَفُ لَنَا الْأَجْرُ إِنْ كَانَ النَّبِيُّ مِنْ الْأَنْبِيَاءِ يُبْتَلَى بِالْقُمَّلِ حَتَّى يَقْتُلَهُ، وَإِنْ كَانَ النَّبِيُّ مِنْ الْأَنْبِيَاءِ لَيُبْتَلَى بِالْفَقْرِ حَتَّى يَأْخُذَ الْعَبَاءَةَ فَيَجونَهَا، وَإِنْ كَانُوا لَيَفْرَحُونَ بِالْبَلَاءِ كَمَا تَفْرَحُونَ بِالرَّخَاءِ)

(Waxaa laga wariyay Abuu Saciid Alkhudri (RC) wuxuu yiri: nin ayaa gacantiisa nabiga (SCW) kor saaray wuxuu yiri wallaahi ma awoodo inaan gacanta ku saaro qandhada daran ku hayso awgeed wuxuu yiri nabiga: annaga haddaan nahay anbiyada dhibka waa lanoo laballaabayaa sida ajarka lanoogu laballaabo nabi ka mid ah anbiyada waxaa lagu ibtilayn jiray injir ilaa uu ka dilo nabi kalana waxaa lagu ibtilayn jiray faqri ilaa uu go’a ka qaato uu jaro waxay ku farxi jireen ibtilada sida aad ugu faraxdaan barwaaqada).

Xadiiskan isagana lagama qaadanayo in nabiga injir qabay, xaadiiska wuxuu ka hadlayaa Alle inuu ku imtaxaanayo anbiyada imataxaanno kala duwan.

Marka xadiis ma jiro oo caddeeyay in nabiga injir qabay axaadiista aan soo marnay ma laga qaadanayo arrintaas, teeda kale injirta waxay ka dhalataa wasakhda iyo dhididka dadka nadaafadda badan ma gasho injir haddii ay qof kale kasoo raacdo mooyee, nabiga (SCW) wuxuu ahaa qof nadaafad badan mar kaste dahaaro qaadanaya waa qofka lagasoo gaaray nadaafadda wuxuuna la yimid diinta nadaafadda oo islaamka ah, wuxuu yimid xilli aysan carabta cadeysanaynin oo aysan kaadida iska dhaqaynin quraanka iyo axaadiista si xoog leh ayay uga hadleen qiimaha nadaafadda, marka suurtagal ma aha inuu nabiga (SCW) injir qabay, teeda kale waxaa la og yahay nabiga dhididkiisa inuu ahaa dhidid cafar leh injirta kama hesho qof jirkiisa carfaya oo nadiifka ah.

Webyo badan dad gaalo ay leeyihiin waxay soo qaataan axaadiista injirta iyagoo ku duraya nabiga (SWC).

Marka sida xoogga badan waa in nabiga uusan qabin wax injir ah sida aan kusoo caddeynay daliilka kore ku xusan, Sheekh Mamaxmed Umal waxaa dhici karto inuu sidaas u fahmay oo uu u arko inaysan injirta  wax u dhiminaynin nabiga (SCW) sidaasna culimo ayaa yiri nabiga waa banii aadan oo xanuunsada wixii dadka ay la kulmaan la kulmo dhibka ay dadka arkaanna arka.

Ma aha arintaan in laga dhigto wax laysku dagaallo mana aha sheekh Umal inuu xumaan ka wado arrintaas, mana aha muslimiinta inay waxyaalahaas isku qabqabsadaan.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More