Malab iwm ah haddii la marsado musqusha malagu soo dhaqi karaa

Malab iwm ah haddii la marsado musqusha malagu soo dhaqi karaa

Su’aasha:

Walaal su aal ayaa jirta oo ay xaaskaygu rabto in looga fatwoodo su aashuna waa tan:
” qurxinta iyo ilaalinta nadaafadda wajiga waxaan u adeegsadaa waxyaabo dabiici ah sida; timirta, bunka, malabka iyo avocado da. muddo kadib musqusha ayaan iskagasoo dhaqaa, hadaba maadaama ay waxyaabahani cuntooyin ay yihiin danbi miyaa iigu sugan inaan musqusha kagasoo qubaysto”

Malab iwm ah haddii la marsado musqusha malagu soo dhaqi karaa
Malab iwm ah haddii la marsado musqusha malagu soo dhaqi karaa

Jawaabta:

Haddiiba ay isqurxin u adeegsato meel kaste ayay ku dhaqi kartaa, maxaayeelay cuntanimada wuu ka baxay, dan sharciga waafaqsan ayaana loo adeegsaday, marka wuxuu iska noqonayaa sida wax la cunay oo caloosha galay, wax dambi ah kama soo gaarayo.

Waxaana ay soo galaysaa arrintaas daryeelka jirka oo daawada ka mid ah, ee xadgudub ma aha.

Diinta islaamka waxay xarrimtay israafka iyo fasahaadinta hantida, aad ayaana looga digay sida quraanka kusoo aroortay:

Alle wuxuu yiri:

(وَآتِ ذَا الْقُرْبَىٰ حَقَّهُ وَالْمِسْكِينَ وَابْنَ السَّبِيلِ وَلَا تُبَذِّرْ تَبْذِيرًا * إِنَّ الْمُبَذِّرِينَ كَانُوا إِخْوَانَ الشَّيَاطِينِ ۖ وَكَانَ الشَّيْطَانُ لِرَبِّهِ كَفُورًا)

(Sii qaraabada xaqeeda iyo miskiinka iyo socdaalka hana ku xadgudbin bixin xadgudub (iyo si xun)  * illeen kuwa ku xadgudba waa walaalo Shaydaane, shaydaanna Eebihiis wuu ka gaaloobay)

(يَا بَنِي آدَمَ خُذُوا زِينَتَكُمْ عِنْدَ كُلِّ مَسْجِدٍ وَكُلُوا وَاشْرَبُوا وَلَا تُسْرِفُوا ۚ إِنَّهُ لَا يُحِبُّ الْمُسْرِفِينَ)

(Banii Aadamow qaata Quruxdiinna (Dharka) Masaajid kasta agtiisa, Cuna oo Cabbana hana xad gudbina Illeen Eebe ma Jecla kuwa xadgudubee).

Waxaa kusoo arooray xadiiska saxiixa ah:

(كلُوا، و اشربُوا، و تصدقُوا، والْبَسُوا في غيرِ إسرافٍ ولا مَخيلةٍ )  رواه أحمد والنسائي وابن ماجه 

(Cuna oo cabba oo sadaqaysta oo labista idinkoon xadgudub iyo kibir samaynaynin)

 

Nin rag anoo duraayo haddaan barida ka taabto weysada ma iga jabaysaa

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More