Sida janaabada laysaga daahiriyo waqtiga dhaxanta

Su’aasha:

Maxaa la sameeyaa hadii adigoo janaabo qaba salaad subax kugu timaado dhaxanna ay jirto?

Asc walaal anoo hurdo ayaan riyo ku biyo baxay salaada subaxna waa igu timid maadaama qubeys uu igu waajibaayo hadana waxaa jirta qabow iyo dhaxan daran salaadiina ma tukankaro anoo qubeysan markaas oo kale maxaan sameyn karaa diinteenuna maxay ka dhahday.

Su’aashaan waxaan weydiinayaa culimada webkaan wax ku qora mahadsanidiin.

Maxaa la sameeyaa hadii adigoo janaabo qaba salaad subax kugu timaado dhaxanna ay jirto?
Maxaa la sameeyaa hadii adigoo janaabo qaba salaad subax kugu timaado dhaxanna ay jirto?

Jawaabta:

Qofka haddii uu ku waajibo qubeys qaab kaste ha ugu waajibee galmo ama riyo ama biyaha gacanta hadduu isaga keeno ma tukan karo asoon qubeysanin.

Laakin haddii ay dhacdo inuu awoodi waayo qubeyskaas hadduu biyo waayo ama biyaha hadduu isticmaalo dhib ayaa uga imaan kara oo halis ku ah naftiisa ama jirkiisa markaas waa loo fasaxayaa inuu gababaysto ama booreysto waa tayamum, laakin waxaa shardi ah biyaha qabow dartii inuusan awoodin inuu ku qubeysto hadduu ku qubeysto dhib daran ayaa uga imaan kara, kaliya maha biyaha qabowga waan dhibsanayaa ee waa inuu jiraa dhib ama halis ay biyaha u keeni karaan xilliga dhaxanta.

Xadiis ayaa kusoo arooray oo  laga wariyay Camr bin Alcaas (RC) wuxuu yiri:

(احتَلمتُ في ليلةٍ باردةٍ في غزوةِ ذاتِ السُّلاسلِ فأشفَقتُ إنِ اغتَسَلتُ أن أَهْلِكَ فتيمَّمتُ، ثمَّ صلَّيتُ بأصحابي الصُّبحَ فذَكَروا ذلِكَ للنَّبيِّ صلَّى اللَّهُ عليهِ وسلَّمَ فقالَ: يا عَمرو صلَّيتَ بأصحابِكَ وأنتَ جنُبٌ ؟ فأخبرتُهُ بالَّذي مَنعَني منَ الاغتِسالِ وقُلتُ إنِّي سَمِعْتُ اللَّهَ يقولُ:( وَلَا تَقْتُلُوا أَنْفُسَكُمْ إِنَّ اللَّهَ كَانَ بِكُمْ رَحِيمًا ) فضحِكَ رسولُ اللَّهِ صلَّى اللَّهُ عليهِ وسلَّمَ ولم يَقُلْ شيئًا)

(waxaan isku junuubay habeen qabow ah dagaalkii thaat alsalaasil, waxaan ka baqay haddaan qubeysto inaan halaagsamo marka waan booraystay, kaddib waxaan dujiyay asxaabtayda salaadda subax, nabiga (SCW) ayay u sheegeen wuxuu igu yiri: Camrow asxaabtaada miyaad dujisay adoo janaabo qaba? waxaan u sheegay wixii iga reebay qubeyska waxaan ku iri Alle ayaan maqlay oo yiri: (naftiina ha dilina Alle wuxuu ahaaday midka idin naxariistee) 

Xadiiska Abuu Daawuud ayaa wariyay waana xadiis saxiix ah.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More