Qof janaabo qabo shaambo iyo saabuun maku qubeysan karaa

Qof janaabo qabo shaambo iyo saabuun maku qubeysan karaa

Su’aasha:

wll aniga oo janaabo qabo, ma ku mayran qabaysan karaa saabbuun ama shaambo?

walaal qaali su’aasha kale
Anigoon xaas guursan ma ogaan karaa in aan u biya baxo si degdeg ah iyo in kale?

aad baad u mahadsantihiin sida quruxda badan aad inoogu adeegaysaan annaga waliba idinkoo naga doonaynin wax qidmo ama amaan ah, runtii middani waa mid lagu farxo, Alle ha idinka ajar siiyo

Qof janaabo qabo shaambo iyo saabuun maku qubeysan karaa
Qof janaabo qabo shaambo iyo saabuun maku qubeysan karaa

Jawaabta:

Janaabada qofka qabo waxaa shardi ah inuu jirkiisa biyaha wada gaarsiiyo haddii saabuun ama shaambo uu isku dhaqo wax dhib ma laha waxaa muhiimsan biyaha inay jirka oo dhan wada gaaraan.

Culimada hadalkan ayaa lagasoo guuriyay:

(ومن غسل جسمه بالصابون ثم صب الماء عليه ونوى بذلك الصب غسل الجنابة فغسله صحيح)

(qofkii jirkiisa ku dhaqo saabuun kaddib biyo ku shubo asoona niyaysanaya inuu janaabo ka qabaysto qabeyskiisa waa ansaxaa)

Qeybta kale ee su’aasha: qofka wuxuu ogaan karaa marka uu guursado inuu yahay qof biyahiisa soo degdegayaan  iyo in kale, maxaayeelay qofka biyaha gacantiisa ku keeno iyo qof galmo sameynaya isku mid ma aha xagga biyabaxa.

Hadda kaddib labo su’aalood ha iskusoo dhex qorin su’aal kaste si gooni usoo dir.

 

Anoo umul ah ayaa janaabo igu dhacday qubeys maa igu waajibayo

 

Riyada galmada

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More