Saabriin Xasan oo tartan quraan ku heshay gaari 40 kun doolar ah

Saabriin Xasan waa gabar soomaaliyeed oo jirta labo iyo toban sano, waxay ku guulaysatay musaabaqada ama tartanka quraanka kaarimka dhammaantiisa, sodonka juz waxaa abaalmarin loo siiyay gaari Toyota ah oo qiimihiisa uu yahay 40 kun doolar.

Quraanka kariimka qofka marka uu ku dadaalo Ilaahay karaamo ayuu siiyaa adduun iyo aakhiraba.

Gabadhan yar waalidkeeda si fiican ayay u tarbiyeeyeen umadda soomaaliyeed sharaf ayay usoo jiidday, sidaas ayaa laga rabaa ubadka inay noqdaan.

Saabiriin Xasan waxaa la rabaa gabdhaha iyada la da’da ah inay ku daydaan oo ay xifdiyaan quraanka kariimka.

Ilaahay ha u barakeeyo sidoo kale ilaahay haka ilaaliyo isha dadka xaasidka ah.

Fadlan qoraalkan share ku taag si ay u arkaan dad badan waxaa laha yaabaa inay ilmahooda ku tarbiyeeyeen xifdinta quraanka kariimka.

 

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More