Riyada Tahriibka Gariiga oo Turkiga loo marayo

Su’aasha:

Asc waxaan markii labaad ku riyoonayaan aniga oo u safray Turkiga oo Tahriib ugasii gudbay Gariiga waxaan saarnaa Gaari Bas ah aniga iyo dad badan waxaa Gaariga Nala saarnaa askar waxay naga Xigeen dhanka albaabka baska aniga waxaan isleeyahay waxay halkaas u fadhiyaan waa inay na celiyaan Marka aan baska ka dageyno markii dambe Askartii ayaa xaduudka na dhaafisay oo Gudaha Gariiga inaan galno noo ogolaatay Dadkii kalena ay geli waayeen waxaan dareemayey in si fudud aan ku gudubnay xuduuda aan ku galnay yurub

FG aniga waxaa igu jira Hami ah inaan halkaas u safro Riyooyinka safarka ah ee igu Soo noq noqonayo ma sheeko nafteyda ay isugu sheekeneyso miyaa mise waa riyo xag alle ka Socota.

Riyada Tahriibka Gariiga oo Turkiga loo marayo
Riyada Tahriibka Gariiga oo Turkiga loo marayo

Jawaabta:

Qofka asoo wax ku mashquulsan ayaa riyo xaq laga tusin karaa, waxaa kaloo dhici karta inay tahay mid nafsi ah oo tilmaamaysa sida aad ugu mashquulsan tahay safarka ama tahriibka.

Waxaa kaloo aad u noqon kartaa taariikdaada xagga riyada, taas waxaad ka ogaan kartaa riyooyinkaaga siday u furmaan, riyooyinkaaga masoo baxaan waa iska caadi, si kaste ahaatee ma aha riyadan riyo xun guud ahaan.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More