Riyada cadayga iyo wax madow indhoole ah

Su’aasha:

Walal waxaa kaloon ku riyoodaa isbuuciiba laba ama sadex habeen anoo cadaysanaya oo waliba haysta caday dheer oo aad ugu faraxsan inaan haysto caday dheer.

Waxaa kaloon ku riyooday habeen dhawayd anoo hurda ayaan arkay wax madow oo wayn oo aan lahayn indho oo lkn leh afar cagood oo aad u madow wuuna soo siqayay oo aad uma socon karin waan sasay oo waan ka cararay wuuna igu soo socday hadana kadib waan yara fikiray waxaana dhahay iska daa anaa ku aqaano ee waxaana bilaabay sadexda quluwale iyo adkaar waana ku celceliyay ilaa uu wixii madoobaa ee waynaa uu noqdo waliba aan waayo meel uu ka baxay..

Walal ilaa hada meeshii aan habeen kii ku arkay waxaas waan ka baqaa bal iso fasir adoo raali ah walal.

Riyada cadayga iyo wax madow indhoole ah
Riyada cadayga iyo wax madow indhoole ah

Jawaabta:

Riyada koowad caday ah waa riyo tilmaamayso inaad ku toosan tahay fidrada diinta iyo dahaarada waa riyo wanaagsan oo bishaaro ah.

Riyada labaad oo ah waxa madow oo aan indhaha lahayn oo afka leh waa shaydaan ama sixir laakin dhib kuuma gaysanayo illeen quraan ayaad ku akhrisay riyada dhexdeeda, marka haka baqin Ilaahay ayaad ka magangashay Ilaahay ayaa kaa badbaadinaya.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More