Quraanka siduu walwalka u daaweeyo qiso dhab ah

            QUR,AANKU WAA NOLOL.

Quraanka siduu walwalka u daaweeyo qiso dhab ah
Quraanka siduu walwalka u daaweeyo qiso dhab ah

Culaysyo badan oo dhinacyada nolosha ah ayaan si maalinle ah u dareemayay, inkastoo aanan dhihi karin dhibaatooyin waawayn ayaa I haystay hadana sidaasoo ay tahay marar badan waxaan dareemi jiray diiqad,welwel , walbahaar iyo rajo xumo. Laba waqti ayaan dareemi jiray daganaasho iyo farxad; marka aan masjidka aado ee aan salaadda soo tukado iyo marka aan xaaskayga ama familkayga wakhti laqaaadanayo, labadaa jeerba waxaan dareemi jiray daganaasho iyo rajo. Lkn intaasi igumay filnayn marwalba oo aan kaliday noqdana waxan gali jiray mawjadaha welwelka iyo cabsida. Waxan ka fikiray sidaan uga bixi lahaa dhibkan ihaysta,  kadib waxaan go,aan ku qaaatay inaan bilaabo akhriska qur,aanka kariimka ah, run ahaantii go,aankaasi wuxu ahaa mid 100% saxan ilaahaybaana I waafajiyay. Kalaamkii ilaahay inaan akhriyo ayaan bilaabay,intaa waxa dheer inaan qur,aanka micnihiisana aan waxbadan ka fahamsanaa taasi waxay keentay inaan macaanida kala duwan ee qur,aanka aan si fiican u dhuuxo. qalbigaygii ayaa qabooobay, niyaddii ayaa ii dagtay, welwelkii iyo walbahaarkii waxa ii baddalay dareen farxadeed iyo rajooyin badan, aduunyadii oo dhan ayaa iila muuqatay wax aan micno badan lahayn oo aan u qalmin in la isku daaliyo, aakhiro ayaan jeclaystay, daqiiqad walba oo aan fursad helo waxaan jeclaysanayay inaan kitaabka kala furo oo aan bilaabo inaan akhriyo Kalaamka qiimaha badan ee ilaaahay. Aayadaha qaarkood markaan akhriyayo maan dhaafi karayn in badan ayaan ku celcelin jiray anigoo si buuxda u sawiranaya muuqaalka ay ka hadlayaan iyo awoodda Ilaahay ee ay muujinayaan, iimaan ayaana iigu ziyaadayay. Waxan xasuustaa mar aan akhriyay aayado ka hadlaya sida ilaahay roobka usoo dajiyo ee uu dhulka ugu noolaysiiyo intuu dhintay kadib, waxyar kabacdi waxaa dhagahayga kusoo dhacay onkod iyo Hillaac,daqiiqado yar kadibna roob ayaa darrooray. Akhriskii qur,aanka ayaan joojiyay, kadib banaanka ayaan u baxay roobkii oo da,aya, gacantayda ayaan fidiyay anigoo raba inaan dareemo dhibcaha qabaw ee roobka ee naxariistu ku dheehantahay, waxay maskaxdaydu dib usoo celisay aayadihii qur,aanka ahaa ee aan akhriyay ee ilaahay uu kaga hadlayay roobka waxanan is arkay anigoo dhextaagan roobkii oo da,aya indhahayga illin ayaa kusoo istaagtay!Ilaahay yaa ka run badan? Jawaabtu waa cidna.

Qisadani maaha mid male awaal ah oo aan maskaxdayda ka abuurtay lkn waa xaalad dhacday oo aniga isoo martay, hadii aad maalin uun dareento murug,welwel, rajo xumo iyo quuus waxaan kugula talinayaa inaad qur,aanka akhrido hubaal waad ka bixi doontaa xaaladdaa insha allah.

— Armaan

Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More