Qofka markuu quraanka maqlo ooya mala mid yahay qof cabsida Alle la ooyay

Su’aasha:

Asc Daruur, waxa jira xadiis rasuulka(scw) lagasoo wariyay oo uu rasuulku kusheegay in aaanu Naarta galayn nin/qof cabsida ilaahay darteed u ooyay/ilmeeyay, hadaba su aashaydu waxay tahay qofku hadii uu la ooyo Shawq iyo kalgacayl uu ilaahay u qabo ama marka uu qur,aanka akhriyo Amaba uu aaayaadka ilaahay ee kownka uu u fiirsado uu la ilmeeyo miyuu lamid yahay midkaa cabsida ilaaahay darteed la ooyay ee aan naarta galaynin insha allah.

CIIIID MUBAAARAK!

Qofka markuu quraanka maqlo ooya mala mid yahay qof cabsida Alle la ooyay
Qofka markuu quraanka maqlo ooya mala mid yahay qof cabsida Alle la ooyay

Jawaabta:

Walaal ciid Mubaarak, Alle hanaga aqbalo camalka suubban.

Qofka marka uu maqlo quraanka oona ilmaynaya run ahaantii waxaa oohintaas ka keeno jacaylka Alle iyo cabsidiisa labadana waxaa lagu mutaystaa janno, wayna isla socdaan,  jacaylka Alle wuxuu keenayaa in la caabudo wax kaste laga hormarsiiyo sidoo kale amarkiisa in la qaato, waxaa la mid ah cabsidiisa, iyadana arrintaas ayay keenaysaa, qofka muslinka waxaa laga rabaa inuu labadaas u dhexeeyo, toddobada carshiga Alle loogu haraynayo maalinta qiyaamaha waxaa ka mid ah qof Alle xusay oo markaas ilmeeyay, wuxuu yiri rasuulka (SCW):

(ورجلٌ ذَكرَ اللَّهَ خاليًا ففاضت عيناهُ)

(Nin Alle xusay asoo kaligiisa ah oo markaas indhihiisa ilmeeyay)

Mar waad u jeeddaa xadiiska inuusan sheegin cabsi wuxuu sheegay guud ahaan xuska Alle, waxaa soo galaya hilowga iyo jacaylka iyo cabsida.

Alle (SW) markuu ka hadlayay dadka uu u nimceeyay wuxuu yiri:

(إِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِمْ آيَاتُ الرَّحْمَٰنِ خَرُّوا سُجَّدًا وَبُكِيًّا)

(marka lagu akhriyo korkooda aayaadka Eebaha Raxmaanka way dhacaan iyagoo sujuudi oo ooyi).

Wuxuu kaloo yiri:

(إِنَّ الَّذِينَ أُوتُوا الْعِلْمَ مِن قَبْلِهِ إِذَا يُتْلَىٰ عَلَيْهِمْ يَخِرُّونَ لِلْأَذْقَانِ سُجَّدًا * وَيَقُولُونَ سُبْحَانَ رَبِّنَا إِن كَانَ وَعْدُ رَبِّنَا لَمَفْعُولًا * يَخِرُّونَ لِلْأَذْقَانِ يَبْكُونَ وَيَزِيدُهُمْ خُشُوعًا)

(kuwa la siiyay cilmiga marka lagu akhriyo korkooda waxay u dhacaan wajiga iyagoo Sujuudi, * waxayna dhihi waxaa Nasahan rabbigeena, yabooha rabbigenana waa la fali * waxayna u dhacaan wajiga iyagoo ooyi wuxuuna u kordhiyaa «Quraanku» Khushuuc).

Wuxuu yiri Alle (SW):

(إِنَّمَا يُؤْمِنُ بِآيَاتِنَا الَّذِينَ إِذَا ذُكِّرُوا بِهَا خَرُّوا سُجَّدًا وَسَبَّحُوا بِحَمْدِ رَبِّهِمْ وَهُمْ لَا يَسْتَكْبِرُونَ * تَتَجَافَىٰ جُنُوبُهُمْ عَنِ الْمَضَاجِعِ يَدْعُونَ رَبَّهُمْ خَوْفًا وَطَمَعًا وَمِمَّا رَزَقْنَاهُمْ يُنفِقُونَ)

(waxaa uun rumayn aayaadkanaga kuwa marka lagu waaniyo aayadaha sujuud la dhaca kuna tasbiixsada mahadda Eebahood iyagoon is kibrinayn (isla waynayn). *  dhinacyadooda ayaa ka fogaada jiifka iyagoo baryi Eebahood cabsi iyo rajaynba waxaan ku arzuqnayna wax ka bixiya).

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More