Qisadii boqorka iyo afarta xaas

Boqor ayaa qabay afar xaas wuxuu aad u jeclaa xaaska afaraad, wax kaste ayuu u sameyn jiray, midda sedexaadna wuu jeclaa, laakin wuxuu dareemi jiray inaysan la joogi doonin, midda labaadna waa tan uu la tashan jiray marka dhibaato ay lasoo gudboonaato, midda koowaadna maba qiimeyn jirin xaqeedana ma gudan jirin iyadaana isaga aad u jeclayd daacadna u ahayd, waana midda boqortiiyadiisa u ilaalin jirtay.

Qisadii boqorka iyo afarta xaas
Qisadii boqorka iyo afarta xaas

Boqorka ayaa xanuunsaday wuxuu dareemay inay ajashiisa soo dhowaatay wuuu fikiray, wuxuu yiri: aniga hadda waxaan qabaa afar xaas qabrigana inaan aado kaligayga ma rabo.
wuxuu u yeeray xaaskiisa afaraad oo ahayd midda uu ugu jeclaa, wuxuu ku yiri: adiga aad baan kuu jeclaa marka loo eego xaasaskayga kale, wax kaste aad rabtayna waan kuu yeelay ee raalli ma tahay inaad qabriga ila gasho waxay ku tiri: suurtagal ma aha, wayna ka tagtay iyadoon u muujin wax naxariis ah, wuxuu u yeeray xaaskiisa seddexaad wuxuu ku yiri: aniga waan ku jeclaa ee ma ila gali kartaa qabriga, waxay ku tiri: maya suurtagal ma aha. nolosha way qurxoon tahay nin kale ayaan guursanaa.
wuxuu u yeeray xaaskiisa labaad wuxuu ku yiri: aniga waligayga waan kula tashan jiray marka dhibaato ay ila soo gudboonaato, darteyda wax badan ayaad u sameysay ee qabriga ma igu wehlin kartaa, waxay ku tiri: iga raalli noqo ma awoodo inaan kuu fuliyo dalabkan, waxaan awoodaa inaan ku geeyo qabrigaaga.
Boqorkii aad buu uga murugay xaasaskiisa sidey u dafireen wanaagga uu u qaban jiray, asoo sidaas u walbahaarsan wuxuu meel fog ka maqlay cod dhaqaaqaya oo leh: anaa kula galaya qabrigaaga, boqorkii ayaa eegay waaba xaaskiisa koowaad, iyadoo caato ah oo daryeel la’aan ka muuqata oo jirran taasna waxaa sabab u ahaa ninkeeda oo isaga ah, boqorkii wuxuu ka shallaayay siduu ula dhaqmay xaaskiisa koowaad wuxuu yiri: waxaa igu habbooneyd inaan adiga kugu dadaalo oo xaasaska kalena aanan ku dadaalin haddii waqtiga laysoo celin lahaa adigaan kugu dadaali lahaa.
Qisadan waxaa loola jeedaa ujeeddadan oo ah:

Mid kaste annaga naga mid ah wuxuu qabaa afar xaas:
Xaaska afaraad waa jirka
si kaste aannu ugu dadaalno jirkeena oo aan wax kaste uu u baahan yahay aan u yeelno marka aan dhimano wuu naga tagayaa

Xaaska sedexaadna: waa hantida marka aan dhimano waxaan uga tagaynaa dad kale oo ku raaxaysanayo gadaasheena.

Xaaska labaadna waa ehelka iyo qaraabada iyo asxaabta: marka aan dhimano qabriga ayay na geynayaan wayna nagasoo tagayaan.
Xaaska koowaadna: waa camalka suuban kuma dadaalno mana daryeelno waxaan ka hormarinaa jirkeena iyo hantideena iyo shahwadeena, isagaana ah midka qabriga nala galo, runtii qisadan macne weyn ayay wadataa.

haddaad akhriso Nabiga (SCW) ku sali.

القصة باللغة العربية بتصرف

ملك كان متزوجا أربع زوجات كان يحب الرابعة حبا شديدا ويعمل كل شئ لإرضائها ، أما الثالثة فكان يحبها أيضا ولكنه يشعر أنها قد تتركه .أما الثانية فكانت من يلجأ إليها عند الأزمات . أما الزوجة الأولى فكان يهملها ولا يرعاها ولا يؤدي حقها مع أنها كانت تحبه جدا وكان لها دور في الحفاظ على مملكته .

مرض الملك وشعر باقتراب أجله  ففكر وقال : أنا الآن لدي أربع زوجات ولا أريد أن أذهب إلى القبر وحدي. فسأل زوجته الرابعة : أحببتك أكثر من باقي زوجاتي ، ولبيت كل رغباتك وطلباتك ، فهل ترضين أن تأتي معي  في قبري فقالت : ( مستحيل ) وانصرفت فورا بدون أن ترحمه،  فأحضر زوجته الثالثه : وقال لها : أحببتك طيلة حياتي فهل ترافقيني في قبري فقالت : ( لا يمكن ) الحياة جميلة وبعد موتك سأذهب وأتزوج رجلا آخر فأحضرالزوجة الثانية،  وقال لها : كنت دائما ألجأ إليك عند الضيق وطالما ضحيت من أجلي وساعدتيني ، فهل ترافقيني في قبري فقالت : سامحني لا أستطيع ذلك ، ولكن أكثر ما أستطيع فعله هو إيصالك إلى قبرك.

حزن الملك حزنا شديدا ، على جحود هؤلاء النساء. وإذا بصوت يأتي من بعيد ويقول : أنا أرافقك في قبرك أنا سأكون معك أينما تذهب فـنظر الملك ، فـإذا بزوجته الأولى ، وهي  هزيلة ضعيفة مريضة ، بسبب إهماله لها ، فـندم الملك على سوء رعايته لها ، في حياته .وقال : كان ينبغي لي أن أعتني بك أكثر من الباقين ولو عاد بي الزمان لكنت أنت أكثر من أهتم به .

 الهدف من القصة :  كلنا لدينا أربع زوجات

{ الرابعة } الجسد : مهما اعتنينا بأجسادنا وأشبعنا شهواتنا ، فستتركنا الأجساد فورا عند الموت . { الثالثة }
الأموال والممتلكات : عند موتنا ستتركنا وتذهب للورثة . { الثانية } الأهل والأصدقاء : مهما بلغت تضحياتهم لنا في حياتنا ، فلا نتوقع منهم أكثر من إيصالنا للقبور ،عند موتنا .{ الأولى } العمل الصالح : ننشغل عن تغذيته والاعتناء به ، على حساب شهواتنا وأموالنا وأصدقائنا ، مع أن اعمالنا هي الوحيدة التي ستكون معنا…إذا أتممت القراءة صلِّ على خير البشرية محمد صلى الله عليه وسلم.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More