Magacyada wiilasha iyo gabdhaha muslimka loo bixiyo

Magacyada wiilasha muslimka loo bixiyo

الأسماء الإسلامية لأطفال المسلمين

Magaca waa astaanta ugu horreyso ee lagu garto qofka dhashay waana waxa ugu qaalisan noloshiisa, mana jiro qof jiri karo magac la’aan.

Sidaa awgeed qofka aabaha ah waxaa laga rabaa ubadkiisa inuu u bixiyo magac aad u fiican oo casri ah oo casri kaste la socon karo oo cunugga niyadda aan ka jabninin.

Sidoo kale magaca wuxuu xiriir la leeyahay qofka diinta uu aaminsan yahay.

Magacyada wiilasha iyo gabdhaha muslimka loo bixiyo
Magacyada wiilasha iyo gabdhaha muslimka loo bixiyo

Qofka muslinka waxaa laga rabaa inuu ku dadaalo magac aan wadanin waxyaalo xiriir la leh gaalnimada waliba magacyada shirkiga xambaarsan ama xaaraanta ah in la baxsado.

 

Magacyada aan gaalada marna baxsanin waa kuwa xiriirka adag la leh diinta islaamka.

Magacyadaas waxaa ugu horreeyo Muaxamad magacan waa magaca nabiga ugu dambeeyay anbiyada waligiisa lama sheegin qof aan muslin ahayn loo bixiyay.

Bal gaalada waxay aaminsan yihiin inuu astaan weyn uu u yahay diinta islaamka.

Xataa waxay dhahaan diinta islaamka Diinta Muxamadiyada taasoo loo tiirinayo magaca nabi Muxammad (scw) maxaayeelay isaga ayaa lagu soo dejiyay diinta islaamka.

Waxaa shardi ah magaca qofka muslinka loo bixinayo inuusan wadanin calaamo gaalnimo ama shirki qofka u keeni karto.

Magacyada noocaas ah waa xaaraan:

Magacyada wiilasha iyo gabdhaha muslimka loo bixiyo الأسماء الإسلامية لأطفال المسلمين
Magacyada wiilasha iyo gabdhaha muslimka loo bixiyo الأسماء الإسلامية لأطفال المسلمين

Bal waxaa la amray qofka muslinka inuu qurxiyo magacyada uu u bixinayo ilmihiisa wuxuu yiri rasuulka SCW:

( إنكم تدعون يوم القيامة بأسمائكم وأسماء آبائكم، فحسّنوا أسماءكم )

رواه أحمد وأبو داود

(Idinka maalinta qiyaame waxaa laydinkugu yeerayaa magacyadiina iyo magacyada aabeyaashiina marka hagaajiya magacyadiina) 

Waxaa wariyay xadiiska Axmed iyo Abuu Daawuud

Wuxuu kaloo yiri rasuulka (SCW):

 

( إن أحب أسمائكم إلى الله عز وجل عبد الله وعبد الرحمن ) 

رواه مسلم

(Waxaa loogu jecel yahay magacyadiina xagga Alle Cabdullaahi iyo Cabduraxmaan)

Waxaa wariyay Muslim

 

Magacyada wiilasha carabta oo fiifiican

Magacyo wiilal iyo gabdho casri ah oo qurux badan

 

Halkaan ka daawo muuqaal ka hadlayo magacyada wiilasha iyo gabdhaha muslimka

 

 

 

You might also like
Leave A Reply