Kaadida badan ma caafimaad xumo ayay la xiriirtaa?

Su’aasha:

Walaal waxaan isku arkay markaan biyo badan cabo ama shaah aan cabo waxaan isku arkaa kaadi badan siiba xilliyada qabowgu jiro balse xilliyada iska caadiga ee duhurka saas uma dareemo inay kaadi i heyso si kasta haadan biyo u cabo cileyn waa dhididaa waqtigaas.

Kaadida badan ma caafimaad xumo ayay la xiriirtaa?
Kaadida badan ma caafimaad xumo ayay la xiriirtaa?

Jawaabta:

Qofkii biyo badan cabbo inuu in badan kaadsho waa wax dabicii ah, siiba xiliga qabowga maxaayeelay jirka biyaha siyaadada xiliga qabowga meel aan kaadi ahayn kuma bixin karo, laakin xiliga kulaylka biyaha jirka ayaa u baahan sidoo kale dhididka ayay soo raacaan.

Guud ahaan kaadida badan marka biyo badan la cabbo jiro ma aha, kaadida waxay jirro tahay marka qofka biyihiisa ay yar yihiin haddana si daran uu musqusha u galo, marka aad bay u fiican tahay kaadida badan marka qofka biyo badan cabbo, waayo jirka waxay ka nadiifisaa sunta iyo waxyaalaha dhibka u keeni kara, biyaha badan ku dadaal haka walwalin kaadida badan.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More