Guurka gabadha adeerka dhalay iyo midda shisheeyaha

Su’aasha:

Gabar hadaad guursanayso waxaan fiican aan maqlay gabar qabiil ahaan kaa fog waxay ka fican tahay mida adeerkaaga dhalay taas maxaa ka jiro naagta qaraabada iyo nagta shisheeyaha yaa fiican waxan idinka rabaa inaad ii cadeysaan arintas idinko mahadsan.

Guurka gabadha adeerka dhalay iyo midda shisheeyaha
Guurka gabadha adeerka dhalay iyo midda shisheeyaha

Jawaabta:

Marka hore waxaad ogaataa guurka wuxuu ku fiican yahay gabar fiican oo dhowrasan oo dhaqan karto reer oo leh caqli ku filan oo ilaalin karto qoyskeeda.

Laakin waxaa tijaabo lagu ogaaday gabdhaha adeerka dhalay in laga fiican yahay guurkooda xagga caafimaadka ubadka taasna waxaa loo celiyaa dhowr sabab:

1- Guurka wuxuu keenaa in ninka iyo naagta ay is dhex galaan waxaa dhici karto ninka ma naagta midkooda inuu midka kale xumeeyo, haddii dagaal dhex maro dad qaraabo ah wuxuu noqonayaa mid aad u daran oo keenaya qaraabada inay is gooyaan.

2- Guurka gabdhaha adeerka dhalay waxaa laga yaabaa inay dhalaan caruur xanuunsan ama dhibaatooyin cafimaad ah haysta, taasna waxaa loo celiya cudurka dhaxalka oo qoyska ku sugan inuu kasoo dhex muuqan karo labada ilma adeerka ah oo is qaba, taasna inta badan way dhacdaa inkastoo la heli karo dad aysan ku dhicin.

Wuxuu yiri ibnu Qudaama:

“يختار الأجنبية , فإن ولدها أنجب , ولهذا يقال : اغتربوا لا تضووا يعني : انكحوا الغرائب كي لا تضعف أولادكم ، وقال بعضهم : الغرائب أنجب , وبنات العم أصبر ; ولأنه لا تؤمن العداوة في النكاح , وإفضاؤه إلى الطلاق , فإذا كان في قرابته أفضى إلى قطيعة الرحم المأمور بصلتها”

(Wuxuu dooranayaa naagta shisheeyaha ah wiilkeeda ayaa fiican, waxaa la dhahaa: shihseeye guursada ilmihiina haka dhigina luwo taagdaran, qaarkooda waxay dhaheen naagaha shisheeyaha ayaa dhalmo fiican gabdhaha adeerkana waa sabar badan yihiin, sidoo kale maxaayeelay guurka waxaa ka imaan karto cadaawad furiinna wuu keeni karaa, haddii ay tahay gabadha mid qaraabo dhow guurka wuxuu keenayaa qaraabo goys oo lays amray in la xiriiriyo).

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More