Geedka ninka marka uu kore u qaloocan yahay

Geedka ninka marka uu kore u qaloocan yahay

Su’aasha:

scw guska marka uu kaco wuxuu ku dhagaa caloosha kor ayuu u baxaa ma toosana siiba marka aan hurada kasoo kaco, xataa kaadida way igu adkaanaysaa ilaa uu ka damo qaloocaas oo caloosha uu qaloocan yahay dhib ma ii keenaa markaan guursado galmada miyuu saameyn karaa?

Geedka ninka marka uu kore u qaloocan yahay
Geedka ninka marka uu kore u qaloocan yahay

Jawaabta:

Xaaladdaas rag badan ayay qabsataa haddii uu qalooca noocaas ah uusan dhib u keenaynin galmada waa arrin caadi iska ah oo aan laga murgaynin, laakin haddii uu yahay qaloocan mid dhib u keenaya galinta xubinta ama galmada waxaa fiican qofka inuu is daaweeyo, qalooca geedka ninka dhowr nooc ayuu noqon karaa nooc waa qalooca dhinaca midig ama bidix noocna waa qalooca hoose inuu geedka hoose u qaloocan yahay noocna waa midka adiga ku haysta oo ah kore, marka qalooca muddo kadib waa haraa hadduu sii jiro ama aadan wax ku qabsan karin ama xaaskaaga ay dhib kala kulmayso waxaa lagaa rabaa inaad is daaweyso dhakhaatiirta kaadi mareenada ku takhasusay ayaa xal kuu heli kara.

 

Sida loo weyneeyo xubinta ninka iyo sababaha yareeya

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More