Riyada naag uur leh oo wajiga ka bararsan

Su’aasha:

Walaal waxaad ii fasirta xaas ayan leyahy wax caruur ahna iima dhalin walow horay ilmo udhashay
Ninkale marka naag aan garanayo ayan ku riyooday iyadoo uurkii sedexaad leh wajigana ka bararan mrkas ayan dhahaa kii sedexad miyad wadaa ayado gurigeda jogta misena dhulka jiifta ley tusaa uurna leh marka maxey tahay micnaha riyadaas wall ii fasir.

Riyada naag uur leh oo wajiga ka bararsan
Riyada naag uur leh oo wajiga ka bararsan

Jawaabta:

Riyadan waxay batahay inay tahay riyo naftaada ku dhex wareegsanayso taasoo ka dhalatay dhibka aad sheegtay oo ah inaadan wali ilmo dhalin adoo xaaskaaga horay ay usoo dhashay.

Laakin haweeneyda aad aragtay iyadoo uur leh oo wejigeeda barasan yahay waxay tilmaamaysaa riyadaas xasad iyo cuqdo , waayo ninka marka uu ku riyoodo qof kale wejiga ka bararsan waxay tilmaamaysaa riyada inuu jiro nacayb iyo xaasidnimo.

Marka waxaa dhici karta adiga niyaddaada aad ka fikirayso naagaha qaraaba ama kuwa deris oo uur qaadaya taasna ay walwal kugu hayso.

Marka riyada waxay noqon kartaa digniin lagaaga digayo inaad ka firkirto waxaas, siiba nimcada Ilaahay ku mannaystay dadka kale.

hana xasdin niyaddaada saafi ka dhig.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More