Dumarka Facebook raga dhaqsi ku aamina (Guurdoon been ah)

Dumarka Facebook raga dhaqsi ku aamina (Guurdoon been ah)

Maalmahan waxaa soo batay rag ku nool qurbaha.

siiba Yurub iyo America, raggaas been ayay u sheegaan hablaha ama gabdhaha yaryar.

intay Facebook soo galaan ayay gabdhaha luuqa usoo galaan.

qaar

Dumarka Facebook raga dhaqsi ku aamina
Dumarka Facebook raga dhaqsi ku aamina

waxay rabaan inay gabdhaha xumaan kala raaxaystaan, qaarna waxay dhahayaan aan ku guursado.

guur kumeelgaar ah ayay rabaa, siiba waxay gaadaan kuwa ku nool Soomaali ama Kenya ama Itoobiya, guud ahaan Africa,

Gabdhaha ku sirmo waa kuwa dhibaataysan oo mustaqbal fiican raadinaya

gabdhaha leenka raadinaya ayaa ku dhaco shabaggooda.
Kuwo badan inay Kenya iyo soomaali tageen ayay gabdho yaryar kusoo guursadeen qudabsiro.

marka ay kasoo tageen ayay dhuunteen oo taleefanka ka xirteen.
Sheekadan aad ayay u badan tahay, qaar gabdhahaas ka mid ah ayaa uur qaaday, ninkii uureeyayna taleefanka ayay xirteen.
kuwa sidaas sameeya waa dad aan damiir lahayn, inta uu shilimaad yar soo shaqaysto siiba kuwa shaqooyinka musqil dhaqidda ama nadiifinta jidadka ama hilibka waa shqooyinka ay iska sarreysiin jireen marka ay soomaali joogeen.
kuwaas ayaa u badan inta lacag yar ay soo qaataan ayay gabdhaha siraan beenna u sheegaan.
waxaa laga rabaa inay gabdhaha iska ilaaliyaan ragga noocaas ah.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More