Gabar soomaaliyeed oo dishay nin masaari kufsan rabay

Gabar ku nool dalka Masar gaar ahaan xaafadda 6 Oktoobar ayaa dishay nin daroowel ah oo gaari caasi kaxaynaya, ninkaas oo gabadha mindi ula soo baxay oo rabay inuu kufsado intay ka qaadday mindida ayay xabadka ka galisay isla markii ayuu meesha ku dhintay, markaas ayay carartay.

Gabar soomaaliyeed oo dishay nin masaari kufsan rabay
Gabar soomaaliyeed oo dishay nin masaari kufsan rabay

Muddo kaddib waxay la timid qareen waxay is keentay xarunta booliska, qareenkaas wuxuu ka socday UN-ka waxay u sheegtay booliska inuu rabay daroowelka inuu iyada kufsado, illeen waxay la saarnayd caasiga kaligeeda ayaa kusoo hartay wuxuu la aaday meel cidlo ah wuxuu isku dayay inuu jirkeeda ku xadgudbo, laakin waxaa u suurtagashay inay mindida ay ka dafto oo xabadka ay ka galiso.
Hadda gabadha waxaa la xiray afar maalmood baaritaan ayaa ku socda si looga salgaaro xalaadda dhex martay iyada iyo ninka ay dishay.

Warka waxaa lagasoo xigtay wargeyska  Masri Alyoom

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More