Cunto jin loo diyaariyey hadii aad cunto Maxaa kugu dhacayo

Su’aasha:

Asc waxaa jirta gabadh walashay ah oo mudo xanuusaneysay waxaa la sheegay in ay cuntay Cuno jin loo diyaariyey in lasiiyo walaashay waxaas mey aaminsaneyn Waxayna joogtay guri waxaas Laga aaminsan yahay iyadana way iska cuni jirtay waxa jinka loo diyaariyey mudo kadib ayey xanuunsatay ilaa hadana way xanuunsan tahay su,aasheyda waxay tahay Jinka cuno loo diyaariyey hadii aad cunto maxaa dhacayo.

Cunto jin loo diyaariyey hadii aad cunto Maxaa kugu dhacayo
Cunto jin loo diyaariyey hadii aad cunto Maxaa kugu dhacayo

Jawaabta:

Jinka inta badan wuxuu cunaa lafaha sidoo kale wuxuu cunaa cuntada dadka ay cunaan, jinka wuxuu jecel yahay dhiiga sidoo kale wuxuu cuni karaa qaaca fooxa, jiniga gaalka aad buu jecel yahay inuu dhiig cabbo, sidoo kale jinka wuxuu la cunaa qofka insiga markuu cunto cunayo hadduusan magaca Ilaahay xusin, hadduu magaca Alle xuso jinka wuu ka fogaadaa cuntada.
Dadka sixirka sameeya jinka ayay siiyaan waxa uu rabo si uu ugu qabto danahooda, qaar xoolo ayay u qalaan qaarna xumaan ayay samaynayaan si jinka ay u raalli galiyaan sidaas awgeed sixirka waa gaalnimo.
Marka jinka qofkii qaato wixii loogu talagalay ama wax ka heleeyo jinka wuu xanaaqaa waxaa laga yaabaa qofkaas inuu ku xadgudbo, marka qofka waxaa laga rabaa inuu ka fogaado meelaha shaydaanka lagu caabudo oo sixirka lagu sameeyo ama mingiska lagu tumo waa goob jini, haddii uu jinka la dagaallamayo mooyee qofka waa inuu ku dadaalaa akhriska quraanka.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More