Riyada dhalmada safarka oo sahlan

Su’aasha:

Asc bahada daruur  waxaan ku riyoodaya ani iyo ninkayaga oo ku safrayna dhul dooga ah
Waxaana laha uur lkn wadada intàn ku jiray waxaa iqabatay fool si dhib yar ayaan u dhalay wiil markiiba naas kaan siiyay waana nuugayaya
Dadki ila jaoogay iyo ani aad baan u faraxnay waxay dadku igu lahaayeen ilahay ayaa kuu dhib yareeyaya ana waxan laha xitaa urkiisii cunugu aad buu uugu fududaa oo culays kuma arag waxan hortayada soo fariisatay hadana gabar aan aqaano oo iyadauna unug ahaysata waan sheekaysanaynay waxaana ku toosay aqim ka salaada subax wll ii fasira khayr Allah ha idin siiyee.

Riyada dhalmada safarka oo sahlan
Riyada dhalmada safarka oo sahlan

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa amuurahaaga inay kuu fududaanayaan wixii aad ka murgaysay inuu kaa degayo, nolol fiican inaad helayso farxad aad ku wada noolaanaysaan adiga iyo ninkaaga.

Riyada dhalmada dhib la’aanta ah waa khayr badan iyo farxad , dhulka dooga ahna wuxuu tilmamayaa nolol wanaagsan iyo barwaaqo iyo aaran.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More