Biyaha durbaba soo noqonayo uurka miyay saameeyaan

Su’aasha:

scw bahda daruur idinko mahadsan su’aal baan qaba waxay tahay xaaskayga markaan galma la sameyo biyaha manida aan ku shubay isla markii ayay soo noqdaan waxaan maqlay hadday biyaha shahwada so noqonayan naagta uur ma qaadi karto waxa la rabaa naagta inay biyaha gudaha u galan ooysan so noqonin hadii uur la rabo inuu yimado marka sidee biyaha loo celin karaa marka ninka uu biyabaxo oo xaaska uu la galmonayo fadlan si fahfahsan iiga soo jawaba.

Biyaha durbaba soo noqonayo uurka miyay saameeyaan
Biyaha durbaba soo noqonayo uurka miyay saameeyaan

Jawaabta:

Caadi weeye in haweeneyda biyaha kasoo noqdaan marka ninka uu biyabaxo, waayo xubinta taranka biyaha maba ceshato haddii loogu talaggalo in lagu hayo mooyee haddii naagta aysan jiifkeeda kasoo toosin oo labada lugood ay isku qabato markaas waa laga yaabaa biyaha inay meesha wax yar ku nigaadaan kaddibna way dhalaalayaan qoyaan caadi ayay isu baddalayaan.

Taas kuma xirna uurka waayo uurka marka ay haweeneydu qaadayso uma baahna biyaha inay meesha ku jiraan hal mar ayaa ku filan inay u gudbaan ilmagaleenka ama minka markaas uurka wuu imaanayaa.

Dumarka uurqaadida ka daaho waxaa loogu nasteexeeyaa inay ninkooda biyahiisa la gaaxiyo marka galmo la sameynayo in loo sameeyo qaab jiif ah marka biyaha galaan meesha inaysan kasoo kicin muddo lugahana inay kor u hayso taas sahal ayay ka dhigaysaa biyaha inay minka aadaan waa qaabka ugu fiican oo naagta ay uur ku qaadi karto.

Laakin raga biyahooda tayada leh waxaas oo dhan uma baahna aad bay ugu fududahay inay naagta dhaqsi uur ku qaado, waxaa la dhahaa waxa ugu fiican oo uur ku imaan karo waa caafimaadka ninka iyo naagta.

It is better for pregnant women to eat a healthy diet rich in vitamins such as fish and vegetables.

Waxaa u fiican caafimaadka xagga dumarka uurka u rabo inay cunaan cunto tayo leh oo vatimin badan leh sida kaluunka iyo qudaarta 

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More