Balbalka indhaha maxaa keeno maxaana daawo u ah

Su’aasha:

balbalka indhaha maxaa keeno siiba qofka marka uu hurdo kasoo kaco wuxuu dareemaa indhaha oo dhan huraya ilin ka socoto maxaana daawo u ah hurka indhaha.

Balbalka indhaha maxaa keeno maxaana daawo u ah
Balbalka indhaha maxaa keeno maxaana daawo u ah

Jawaabta:

Waxaa keena balbalka indhaha sababo badan waxaa ugu caansan kuwa soo socda:

1- qalaylka insha:

Marka isha aysan keenaynin qoyaan ku filan isha qalayl ayay noqonaysaa markaas balbal iyo hur ayay keenaysaa markaas qofka ilin ayaa kasoo daadato.

2- xirnaanta meesha ilinta soo marto:

Marka qofka ay ka xiranto meesha ilinta ay soo marto taasna waxay ka dhalan kartaa barar ama caabuq indhaha soo gaaraya.

 

3- caabuqa isha:

Taas waxaa keeni kara feyras ama bakteeriya ama qofka inuu adeegsado daawada isha oo dhacday.

4- Qashin inuu isha ku dhaco:

In isha uu galo wax dool ah sida carro ama bacaad ama wax kale.

5- jugta isha:

Isha inay jug soo gaarto nooc kaste ha haato, taas iyadana waxay keenaysaa balbal xanuun la socdo iyo midabka guduudka inay isu rogto.

Daawada waxaa la ogaan karaa marka la ogaado sababta keentay taasna qofka waa inuu u tagaa dhakhtar.
Laakin guud ahaan nadaafadda waa muhim wax badan ayay ka ilaalin kartaa isha. Sidoo kale cudurka daafka ama bakooro loo yaqaano isagana wuxuu leeyahay mararka qaar balbal, inkastoo uu u badan yahay cuncun.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More