درس الأسبوع العاشر: المتعدي واللازم

Gudbe iyo magudbe | المتعدي واللازم

المتعدي واللازم
المتعدي واللازم

 الأفعال تنقسم إلى لازمة ومتعدية، وهناك أفعال متعدية في أصلها دون أن تحتاج إلى زيادة كما في هذه الأمثلة:-

أكل الموز. Wuu cunay mooska.
أحرق الثياب. Wuu gubay dharka.
كتب الشعر. Gabayga  wuu qoray.
سرق الفضّة. Wuu xaday qalinka .
بنى المدرسة. Wuu dhisay dugsiga.
شقّ الورقة. Wuu jeexay warqadda.
مسح الدم. Wuu tiray dhiigga.
شرب الماء. Biyaha wuu cabbay.

وهناك أفعال تتعدي بالزيادة في بنيتها كما في الأمثلة التالية :-

اللازم Magudbaha 
galay دخل
baxay خرج
seexday اضطجع
jabay انكسر
burburay تحطّم
lumay ضاع
damay خمد
dumay انهدم
المتعدي Gudbaha
galiyay أدخل
bixiyay أخرج
seexiyay أضجع
jabiyay كسر
burburiyay حطّم
lumiyay أضاع
damiyay أخمد
dumiyay هدم
Waxaan ku dhashay miyiga, kaddib waxaan u soo guuray magaalada,  dalkayga waa Soomaali, bariga Soomaali waa dhul saxraa waana kulayl badan yahay, konfurtana waa dhul doog ah,  dalkayga wuxuu leeyahay labo webi, Jubba iyo Shabeelle, dalkayga wuxuu ku yaallaa geeska Afrika.

. ولدت في الريف، ثم انتقلت إلى المدينة، وطني الصومال، شرق الصومال صحراء شديد الحرارة، والجنوب أرض خضراء ، ولوطني نهران جوبا وشبيلي، وطني يقع في القرن الأفريقي.

 

Saadiq: halkee ku dhalatay? صادق: أين وُلدتَ؟
Yaasiin: waxaan ku dhashay koonfurta Soomaaliya. ياسين:  وُلدتُ في جنوب الصومال
Saadiq: magaaladee? صادق: في أي مدينة؟
Yaasiin:  magaalada Afgooye . ياسين:  في مدينة أفجوي
Saadiq: Afgooye beero ma ku yaallaan? صادق: هل في أفجوي مزارع؟
Yaasiin: haa, waxaana ku yaalla webiga shabeelle oo beeraha waraab ka helaan. ياسين:  نعم، وفيها نهر شبيلي الذي هو مصدر ريّ للمزارع.
Saadiq: jawiga Afgooye ma kulul yahay? صادق:  هل جوّ أفجوي حارّ؟
Yaasiin: marmar waa kulul yahay marmarna waa dhexdhexaad. ياسين:  أحيانا حارّ وأحيانا معتدل.
Saadiq: runtii  Afgooye waa dhul aaran ah. صادق:  حقا أفجوي أرض خصبة.
Yaasiin: Sheekh Saayid bin Suldaan madaxweynaha Isutagga Imaaraadka Carabta ee hore iyo Amiirka Kuwait sii horreeyay beero ayay ku lahaayeen Afgooye webiga dhinaciisa. ياسين: الشيخ زايد بن سلطان رئيس دولة الإمارات العربية المتحدة سابقا وأمير الكويت الأسبق كانا يمتلكان مزارع في أفجوي جنب النهر.
Saadiq: Afgooye buuro ma leedahay? صادق: هل في أفجوي جبال؟
Yaasiin: ma laha buuro. ياسين:  ليس فيها جبال.
Saadiq: bad ma leedahay? صادق: هل فيها بحر؟
Yaasiin: badda way ka fog tahay . ياسين: البحر بعيد عنها.

Su’aalaha:

  • Ka dhig falalka soo socda gudbe kaddibna tarjun

Galay, baxay, seexday, jabay, burburay, lumay, damay, dumay

  • Dhammeystir waxa ka maqan hadalka soo socda:

Waxaan ku …. miyiga, kaddib waxaan u soo guuray magaalada,  dalkayga …. Soomaali, bariga Soomaali waa dhul saxraa waana …. badan yahay, konfurtana waa dhul doog ah,  dalkayga wuxuu leeyahay ….. webi, Jubba iyo Shabeelle, dalkayga wuxuu …. yaallaa geeska Afrika

قد يعجبك ايضا
اترك رد

يستخدم هذا الموقع ملفات تعريف الارتباط لتحسين تجربتك. سنفترض أنك موافق على ذلك ، ولكن يمكنك إلغاء الاشتراك إذا كنت ترغب في ذلك. قبول قراءة المزيد