Al shabaab in lala dagaalamo xaq miyaa

Al shabaab in lala dagaalamo xaq miyaa

Su’aasha:

Al shabaab waxay sheegaan inay jihaad kula jiraan dowlada islamarkaana dalka ay ku soo duuleen gaalo rabta inay dadka iyo diintaba fasahaadiyaan sidaasna waxay ku sheegteen inay u banaan tahay daadinta dhiigooda cidii dowlada la macaamiisha dhinaca kalana dowladu Al shabaab waxay ku sheegeen qawaarij fidno badan argagaxisana saas darteedna xaq ay tahay inlala dagaalamo.

Marka kee xaq sax ah ma dagaalka dowlada lagula jiro ayaa saxsan mise dagaalka Al shabaab lagula jiro ayaa xaq ah?
Takale kalmada qawaarij asal ahaan xagee ka timid maxaasa loo isticmaali jiray

Al shabaab in lala dagaalamo xaq miyaa
Al shabaab in lala dagaalamo xaq miyaa

Jawaabta:

Marka hore waa inaad ogaataa dunida in la hagayo, gumeysiga reer galbeed iyo yahuudda ayaa waxaan oo dhan ka dambeeya, Alshabaab iyo kooxaha la midka ah waxaa ka dambeeyo sirdoonka caalamiga, sidoo kale dowladaha iyagana waa laga dambeeyaa, dowlad kaste waxay ku xiran reer galbeedka, taas shaki kuma jiro, ma jirto dowlad aan ku xirnayn qolodaas, waa filin la diyaariyay, wadamada muslinka ayaa la rabaa mar kaste in qalalaaso ay ka taagnaato, nabiga (SCW) wuxuu yiri:

 

(والَّذي نَفسِي بيدِه ، ليَأتِيَنَّ علَى النَّاسِ زمانٌ لا يَدرِي القاتِلُ في أيِّ شيءٍ قَتَلَ ، و لا يدرِي المقتولُ في أيِّ شيءٍ قُتِلَ)

(Waxaan ku dhaartay Allaha naftayda ay gacantiisa ku jirto, dadka waxaa u imaanayo waqti uusan garanayanin kii wax dilay muxuu u dilay, mana garanayo kii la dilay wixii loo dilay)   Raadraac

Marka qofka muslinka waa inuu ka fogaadaa fidnooyinkaas, haku dagaallamin waxa ay dowladda wadato iyo waxa ay shabaab wataan, waxaa kaloo hubaal ah qofkii maalkiisa iyo sharaftiisa iyo gurigiisa difaacayo inuu xaq ku dhimanayo oo uu shahiid yahay, waa mid la hubo, waxaa laga wariyay Abuu Hurayra -Ilaahay raalli haka noqdee –  inuu yiri:

جَاءَ رَجُلٌ إِلَى رَسُولِ اللَّهِ (صلى الله عليه وسلم) ، فَقَالَ : يَا رَسُولَ اللَّهِ أَرَأَيْتَ إِنْ جَاءَ رَجُلٌ يُرِيدُ أَخْذَ مالي؟ قَالَ: « فَلاَ تُعْطِهِ مَالَكَ ». قَالَ: أَرَأَيْتَ إِنْ قَاتَلَنِي؟ قَالَ: «قَاتِلْهُ» ، قَالَ : أَرَأَيْتَ إِنْ قَتَلَنِي؟ قَالَ: «فَأَنْتَ شَهِيدٌ» ، قَالَ : أَرَأَيْتَ إِنْ قَتَلْتُهُ؟ قَالَ: «فَهُوَ فِي النَّارِ».

“Nin ayaa u yimid rasuulka Alle wuxuu yiri: rasuulkii allow ka waran nin hadduu ii yimaado oo raba inuu hantidayda qaato? wuxuu yiri “ha siinin hantidada” wuxuu yiri: ka waran hadduu ila dagaallamo? wuxuu yiri: “la dagaallan” wuxuu yiri: ka waran hadduu i dilo? wuxuu yiri: “waxaad tahay shahiid” wuxuu yiri ka waran haddaan dilo? wuxuu yiri: “naarta ayuu galayaa“.

Waxaa laga wariyay Saciid bin Zayd -Ilaahay raalli haka noqdee –   inuu yiri rasuulka:

«مَنْ أُصِيبَ دُونَ مَالِهِ فَهُوَ شَهِيدٌ ، وَمَنْ أُصِيبَ دُونَ أَهْلِهِ فَهُوَ شَهِيدٌ ، وَمَنْ أُصِيبَ دُونَ دِينِهِ فَهُوَ شَهِيدٌ».

(Qofkii la dilo hantidiisa ka soke waa shahiid, qofkii la dilo ehelkiisa ka soke waa shahiid, qofkii la dilo diintiisa ka soke waa shahiid). Raadraac

Jihaadka wuxuu leeyahay shuruudo waxaana ugu muhiimsan in loo dagaallamayo kalmadda Ilaahay in kor loo qaado laakin ma aha in dadka muslinka la laayo, oo meelo dad masaakiin degan la qarxiyo, waxaa laga wariyay Abuu Muusaa -Ilaahay raalli haka noqdee –  wuxuu yiri: nin ayaa u yimid nabiga – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee – wuxuu yiri:

“الرَّجُلُ يُقَاتِلُ لِلْمَغْنَمِ، وَالرَّجُلُ يُقَاتِلُ لِلذِّكْرِ، وَالرَّجُلُ يُقَاتِلُ لِيُرَى مَكَانُهُ، فَمَنْ فِي سَبِيلِ اللهِ؟ قَالَ: مَنْ قَاتَلَ لِتَكُونَ كَلِمَةُ اللهِ هِيَ الْعُلْيَا فَهُوَ فِي سَبِيلِ اللهِ

Nin wuxuu u dagaallamaa qaniimo, ninna wuxuu u dagaallamaa in la sheego, ninna wuxuu u dagaallamaa si loo arko darajadiisa yaa ku sugan waddada Alle? Wuxuu yiri: qofka u dagaallamo si ay u noqoto kalmadda Alle midda ugu sarreysa isagaa ku sugan jidka Alle

Faahfaahin dheeraad halkaan ka akhriso:

Al shabaab in lala dagaalamo xaq miyaa
Al shabaab in lala dagaalamo xaq miyaa

Al Shabaab Ficiladey Sameeyaan Diinta U Ogolaatay Mala Dhihi Karaa?

Khawaarjita waa qolo soo baxday samankii Cali bin Abii Daalin (RC) waxay gaalaysiiyaan dadka muslinka ah dhiiggoodana way bannaystaan.

Halkaan ka akhriso faahfaahin dheeraad ah:

Qolada Takfiirta Ee Dadka Gaaleysiisa Shiicada Mey Xisaabsan Yihiin?

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More