Qofaan lacag ka cunay tiradana ma ogi ila taliya

Su’aasha:

Asc wllo waxan ku weydiinaya lacag xaraam uu qof leeyahay baan cunay marka lacagta tiradada ma aqaano sida aan ku bixi kara tusaale xoolaha qofka laha wuu jooga haddan u sheega waxan ka cabsanaya in uu igu dhaga anigana hadda gacanta kuma haayo inan bixiyana waan raba sidee ku bixiya lacag aan aqoonin tiradeeda anigana hadda waxbo ma haysta lakiin maalin aan lacag helo ma bixin kara? Alle wan u towbad keenay lakiin xaqas la igu leeyahay sidee ku bixiyaa igu caawi taalo waa midii alle adiga si diinii oo wanagsan igu caawi?

Qofaan lacag ka cunay tiradana ma ogi ila taliya
Qofaan lacag ka cunay tiradana ma ogi ila taliya

Jawaabta:

Qofka waxaa ku waajib ah inuu ka towbad keeno dambi kaste uu sameeyay, laakin haddii dambiga uu wato xaq aadane waxaa laga rabaa inuu xaqqaas gudo.

Marka haddii laguugu leeyahay xaq ama lacag aad qof ka cuntay oo aadan lacag haysanin aad ku guddo waxaa lagaa rabaa markaad hesho waanaa inaad raadisaa xaqqaas kaama dhacayo ilaa aad ka guddo ama ilaa uu kaa cafiyo qofka kugu lahaa xaqqaas, haddii aad illowday tirada lacagta qofka lacagta aad ka qaadatay weyddii inta ay tahay tirada lacagta.

waxaa la yiri yeele waa hilmaamaa la yeele ma hilmaamo.  su’aashan su’aal u dhow halkaan ka akhriso: Nin ayaan lacag ka xaday sideen ugu celiyaa

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More