Magaca Muxamed ayaa ugu badnaaday yurub wiilasha lagu dhalay

Ilmaha lagu dhalay  sanadka 2018 magaalada Berlin ee dalka Germany waxay gaareen 22 kun iyo 177 cunug. magaca Muxamed ayaa kaalinta koowaad galay.

baaritaan waxaa lagu ogaaday 280 cunug in loo bixiyay magaca Muxamed.

magaca kaalinta labaad galay wuxuu ahaa magaca Lewis.

Jamaciyadda Gfds oo ah jamciyad  shaqo ku leh afka Jarmalka ayaa arrintaas baaritaan ku sameysay.

Magaca Muxamed ayaa ugu badnaaday yurub wiilasha lagu dhalay
Magaca Muxamed ayaa ugu badnaaday yurub wiilasha lagu dhalay

Waxaa la og yahay magaca Muxamed inuu yahay magaca ugu badan ay adeegsadaan dadka muslinka ah.

guri ma jiro oo aan ku jurin qof muxamed la dhaho

Nabi Muxamed (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee)  wuxuu ahaa anbiyada midka lagu khatimay magaciisaana waa kan ugu badan dunida Muslinka marka taas waxay noqonayasaa karaamada badan Ilaahay nabigeena (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) siiyay mid ka mid ah.

Quraanka wuxuu ku sheegay Ilaahay inuu xuskiisa kor u qaaday.

marka waxaa dhici karto dad badan inay arrintaan soo jiidato oo diinta Islaamka xaq inay tahay garto. macnaha magaca Muxamed waa midka la mahdiyay falalkiisa oo dhan wa ceebna aan lahayn,  Nabigeena sidaas ayuu ahaa qof aan ceeb lahayn.

Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More