Fasirka riyada dibqalooca maxay noqon

Interpretation of a dream of attacking a scorpion in a dream

Su’aasha:

maxaa lagu fasiri karaa qofka arko dibqallooc asoo qaniinay, markaas ayuu soo qabtay uu dilay xanuun daran ayuu kala kulmay qaniinyada dibqalooca, riyada noocaas maxaa lagu fasri karaa.

Fasirka riyada dibqalooca maxay noqon
Fasirka riyada dibqalooca maxay noqon

Jawaabta:

Fasirka riyada dibqalooca guud ahaan waa cadow gaar ahaan cadow kuu dhow dilka aad dilayso wuxuu noqon karaa inaad ka adkaanayso qofkaas oo uusan wax kuu geysan karin, xanuunka aad dareenatayna waa dhibka aad kala kulmayso intaadan ka adkaanin.

riyada dibqalooca iyo maska aad bay isugu dhow yihiin illeen marka ay qofka qaniini rabaan way soo gabbanayaan, sida cadowga uu samaynayo oo kale.

sidoo kale sun ayay wataan cadowgana sun buu wataa oo u qarsoon.

dibqalooca waa wax aadan dareemi kari inuu kugu soo socdo sidoo kale cadowga ma dareemi kartid siiba marka uu saaxiibkaaga yahay ama uu kuu dhow yahay.

waxaa haboon marka aad aragto riyo xun inaad Alle ka magangasho.

maxaayelay riyada xun shaydaan ayay ka timaadaa waa riyada cabsida kuu keenayso.

riyooyinka qaar qofka huradada ayuu kaga soo kacaa asoo baqaya qaarna qofka hurdada kama soo kaco laakin wuu xusuusanayaa marka uu soo kaco.

riyada cabsida leh qofka waxay ku reebaysaa naxdin iyo argagax ilaa subaxa

 

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More