Siigo miyaa qofka haduu biyaha feker ku keeno

Su’aasha:

Walaal su’aashaydu waxay tahay siigadu waa sidee ani waxaan biyaha iska keenaa anoo qalbiga ku haya gabadh aan aqaano oo sawiranaya jidhkeeda iyo wexeeda oo dhan markaa siigadu ma sidaasaa mise waa gacanta oo aad ugu celceliso guska.

Siigo miyaa qofka haduu biyaha feker ku keeno
Siigo miyaa qofka haduu biyaha feker ku keeno

Jawaabta:

Siigada waa qofka inuu gacantiisa adeegsado  ama wax la mid ah, siduu isaga keeno biyaha shahwada.
Laakin qofka in maskaxdiisa ay soo galaan waxyaabo la xiriiro naago ama gabdho jirkooda oo sidaas ay biyaha uga yimaadaan ma aha siigo, laakin qofka hadduu ugu talaggalayo inuu sidaas biyaha ku keeno waxaa laga yaabaa in isla natiijada siigada inuu kala kulmayo, inkastoo ay adag tahay qofka inuu feker ku keeno biyaha, taas kaliya waxay dhici kartaa marka uu yahay qof dhalinyar oo da’ yar oo kacsi badan hayo oo biyaha shahwada ay ku daaheen jirkiisa, laakin qofka taas ma awoodo mar kaste inuu sameeyo inuu caado ka dhigto waxay isu rogaysaa sida siigada oo kale walwalka iyo murugta iyo waxyaabaha siigada ka dhasha, waxaana loo yaqaanaa siigada maskaxda.

Waxaa kuu fiican inaad ka fogaato fikirka noocaas ah oo aad maskaxdaada ku mashquuliso wax kale oo ka fiican oo dan kugu jirto waxbarsho oo kale.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More