Sanbabka in la cuno diinta maxay ka qabtaa

Su’aasha:

scw bahda daruur anaga hadan somali nahay ma cunno sanbabaka waan iska tuurnaa laakin wadamo badan muslin ayaa laga cunaa sambabaka markan waxan rabaa inad iga jaahil bxisan sanbabka in la cuno diinta maxay ka qabtaa.

Sanbabka in la cuno diinta maxay ka qabtaa
Sanbabka in la cuno diinta maxay ka qabtaa

Jawaabta:

Cunitaanka sambabka waa xalaal wax dhib ma laha diin ahaan, dadka soomaaliyeed dhaqan ahaan ayay uga tageen waa caado faaftay, Ilaahay wuu baneeyay xubin kaste ka tirsan xubnaha xoolaha xalaasha ah haddaysan bakhti ahayn.
Waxaa kusoo arooray kitaabka almudawana oraahdan:

(وما أضيف إلى اللحم من شحم وكبد وكرش وقلب ورئة وطحال وكلى وحلقوم وخصية وكراع ورأس وشبهه فله حكم اللحم)

(wixii la raaciyo hilibka oo ah baruur iyo beer iyo calool iyo wadne iyo sanbab iyo beer yare iyo kelyo iyo dhuun iyo xaniin iyo mijimo iyo madax iwm. wuxuu qaadanayaa xukunka hilibka).

Marka in la cuno sanbabka waa waxalaal wuxuu ka mid yahay hilibka, dhaqanka soomaaliyeed diin ma aha ee waa wax iyaga dhaqan ka dhigteen.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More