Riyada salaada meel banaan oo wada dooga

Su’aasha:

waad mahadsan tihiin guud ahan webka daruur Allah macak
waxaan ku riyooday anoo ku tukanayo meel banaan oo cidlo ah oo wada dooga iyo dhir cagaan oo buuro yaryarle oo aad u qurux badan
Allah mahadle.

Riyada salaada meel banaan oo wada dooga
Riyada salaada meel banaan oo wada dooga

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa inaad gaarayso muraadkaaga, salaadda guud ahaan waa khayr iyo xaqiijinta ujeedooyinka, waa camalka ugu fiican uu addoonku qabto, marka meesha aad ku tukanayso iyadana waxay tilmaamaysaa barwaaqo, riyada guud ahaan waa riyo tilmaamayso inaad heli doonto waxa aad rabto waliba nolol aduun iyo mid aakhiraba ayay noqon doonaan waxyaabahaas.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More